|

Wasiirka Duulista Somaliland: Masuuliyiinta Soomaaliya ama Punland way soo mari karaan Madaarada Somaliland, marka laga reebo masuuliyiinta Somaliland u dhashay ee maamuladaas ku jira

Hargeysa April 11,2014(SDN)-Wasiirka wasaarada Duulista iyo Hawada Somaliland Md Maxamuud Xaashi Cabd ayaa manta shaaciyay isbedel siyaasadeed oo ku wejahan masuuliyiinta Soomaaliya u dhashay ee dalka Madaaradiisa safar ku mari kara.

Somaliland ayaa hore hawadeeda uga mamnuucday in masuuliyiinta xilalka ka haya dalka Soomaaliya aaney safar ku mari kareyn madaarada iyo hawada Somaliland. Hadalka wasiirka ayaa sidan ahaa  “ markaan ka jawaabo su’aasha ku saabsan masuuliyiinta dawlada Soomaaliya inay transit ku mari karaan Garoomada Somaliland, waxa weeye Xukuumadda Somaliland ee Madaxweyne Axmed Siilaanyo gadhwadeenka ka yahay ee aan aniguna Maysinkan kaaliyaha ama odayga uga ahay, siyaasada aan ku maamulaynaa waxa weeye in garoonkan Hargeysa aanu ka dhigno garoomo caalami ah, oo geeska afrika oo dhan waraabiya oo hab u noqda mandaqadan, waxan aanu doonaynaa in aanu soo jiidano diyaarado waaweyn oo caalami ah, oo calan wadan sita, oo caymisyada aduunka ku jira, waxa aanu doonaynaa in diyaaradihii dadka muwaadiniinta ahi ay laayeen ee dadkan la soo kifaaxay in aanay baabin ee aanu dhawro, siyaasada noocaas ahi inaga socon mayso hadii aynu nidhaahno yaan layna soo marin oo dadka aynu Transit-ka ka horjoogsano, caalamina aynu noqono.Dunidu shuruuc iyo xeerar garoomada lagu maamulo ayey leedahay kuwaas oo lagu hubiyo Hay’ada ICAO ayaa dajisa, wixii Transit ahina madaarka way marayaan hadii ay Jabuuti, Kiiniya ama Itoobiya ka socdaan, madaxda Soomaaliya kuwaas ayuubay la mid yihiin, masuuliyiinta Soomaaliya ee muqdisho ka imanaya ama kuwa Punland way soo mari karaa Madaarada Somaliland iyadoo transit ah, marka laga reebo masuuliyiinta Somaliland u dhashay ee maamuladaas ku jira, kuwaasi waxay khiyaameeyeen umadoodii iyo dalkoooda, kuwaas ma ogolin, hadii ay madaarada soo fadhiistaana diyaarada ugu gali mayno laakiin hadii ay soo cago dhigtaan oo Terminalada ay yimaadaan, xaq ayaanu u leenahay inaanu xukuumad ahaan qabano.

madaxda Soomaaliya waxa ka reeban inay gudaha Somaliland galaan, Transit way ku joogi karaan madaaradda, meelo aanu ugu talo galaynay ayaa la gaynayaa, oo waa la dhawrayaa iyaga iyo sharaftoodaba, wax ceeb ahina kuma jirto taas, imikana way na soo maraan masuuliyiin Puntland ah oo maanta oo ugu damabaysay Wasiirkii Maaliyada ayaa marayey isagoo Transit ah.

Wasiirka ayaa sidoo kale hadlay in xukuumadu ka hor joogsato mucaaridka madaaarada dalka“ Waxa kale oo marara badan laga hadlay maamuuska masuulyiinta Somaliland haldoorkeeda iyo labeenteedaba ee Mucaaridka, anagu waxaanu nahay Xukuumad bisil oo mudakar ah, mucaarid ahaan jirtay, waxaanu nahay Xukuumad taqaan sida dadka laysku wado, ma xumayno masuulyiinta mucaaridka oo dhan, waxaanu ogol nahay waanu dhaqnaa oo waanu dhawrnaa, waayo waxay noqon karaa madaxdii bari hadii ALLE u calfo, rag ay iska kaayo khaldan tahay ma nihin, raga qaarkood ayaanu meel xun wax ka daya, kuwaas waxaan leenahay waar sidaas waxba laguma helo, madaxda mucaaridka waanu soo dhawyanaa, maamulayaasha madaaradda sidaas ayaan ku amray, arintan Transidt kuna bisayl ayey inoog baahan tahay, bulshada iyo saxaafaddaba.” Ayuu yiri wasiirka Duulista Somaliland.

SDN/QJ-Hargeysa

contact@qurbejoog.com

contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed