|

Wasiirka Duulista Somaliland oo Mashaariic laga hirgeliyay Madaarka Hargeysa xariga ka Jaray

Hargeysa April 11,2014(SDN)-Wasiirka wasaarada duulista iyo Hawada Somalilamd Md Maxamuud Xaashi ayaa manta xariga ka jaray mashaariic laga hirgelinayo madaarka magaalada Hargeysa.

Wasiirka oo ka warbixiyay Mashaariicda ayaa hadaladiisii waxa ka mid ahaa“ Mashaariicdan aynu saaka soo bandhignay ee aanu furnay, waxay ahaayeen laabatan mashruuc oo bilihii ugu dambeeyey aanu hirgalinay, ILAHAYna nagu garab galay, mashaariicdaas waxaa ka mdi ah laba ETD iyo laba mashiin oo kuwa shandahaha lagu baadho ah oo aan dhiganay alaabka hore si dadka iyo alaabta ay sitdaan loogu baadho, mishiinadaasi hore ayaanu laba u dhignay oo gudaha madaarka, laakin waxaanu garwaaqsanay in baadhida gudaha maahee mid kale loo baahan yahay oo waliba xaga dibada ah, taasi oo sare u qaaday amaanka garoonka.

waxa kale oo garoonka ka maqnaa qalab lagu baadho shandaha dadka soo degayaa ay sidtaan, qalabkaasi ma jirin, imika waanu soo kordhinay qalab baadhaya wixii alaab laga soo galo wadanka, qalabkaasi cashuurta ayaanu ku ilaalin doonaa, qalabkeeni wuxuu qabtay alabaa laga soo baadhay Madaakra Jomo Kenyata Airport ee Nairobi, qalabkeena ayaa qabtay waxana ku jiray qalab khatar ah oo mindiyo ay ka mid ahaayeen, waxan taasi muujinaysaa tayada alaabta aynu haysano, waa Mishiino looga soo iibiyey Jarmalka.

waxaanu balaadhin qurxin iyo qaabayn ku samaynay Terminalka laga dhoofo, qaybta shandaha lagu miisaamo waayo dadkeena dhoofaa mar walba sare ayey ku kacayaan, marmaradii ayaanu la badnay albaabo cusub oo waaweyn oo quraado ah ayanau ku samaynay, dabaq ayaanu ku kordhinay qaybtaas laga dhoofo, waxa hada ay qaadaysaa 750 qof, madaarka waa halka ugu cuslayska badan, waayo dadku saacado ayey fadhiyaan oo diyaarada ku sugayaan, qaybtaasi waxay ahayd markii Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo tallada dalka at qabatay meel ay fadhiistaan 50 qof, maanta wuxuu qaadayaa 750 qof, halkaas waxaad ka garanysaa sida waxa isu badaleen, waxa kale oo oo Madaarkeenu uu qaadanyaa oo halkii saac gudihii oo ka dhoofi kara Kun (1000) qof, waa meel aynaan hore u gaadhin.

dhisme cusub ayaanu u samaynay mishiisnka cusub ee alaabta la soo dagaysay lagu baadho, waxa kale oo aanu dib u dhis ku samaynay qolka mishiinka alaabta dadka dhoofayaa ay sitaan, sidoo kalena waxanu samaynay qol cusub oo Bussniss tenter noqonaya qolkaas oo si heersare ah aanu u qalabaynay, waxa kale oo aanu soo kor dhigay laba barkadood oo waaweyn oo biyaha lagu kaydiyo, sidoo kalena waxa aanu dib u habayn ku samaynay VIP-yada oo qaabka loo galayo iyo halka ay albaabada ku leeyihiin aanu hagaajinay, waxa kale oo aanu samayanay Jardiinooyo, mudulayaal iyo meelo ay dadku ku nastaan oo ay eheladooda soo dagaya ku sugaan, waxa kale oo aanu sare u qaadnay heerka nadaafada madaarka qaybihiisa kala duwan, sidoo kale waxaanu soo kordhidnay laba mishiin oo kuwa laydhka dhaliya ah oo oo cusub, kuwaas oo hadii si degdeg ah loogu baahdo aanu ugu talo galanay in la shito, waayo laba layd ayaanu isticmaalnaa, midi waa shirkada Kaah kan kale waa laydh laga dhaliyo dabaysha oo aan wax kharash ah nagu tagin isagu.

Mashaariicdaasi labaatanka ah ayaanu hada hir galinay, waxa kale oo hada noo qorshe ah labaatan kale oo mashruuc oo aanu wakhtiga xagaaga samaynayo, waxaas oo dhana waxaanu uga golleenahay in amaanka madaarka sare loo qaado, sidoo kalena bilicsiida aanu wanaajino, madaarkanu wakhtigii aanu tallada dalka qabany wuxuu ahaa Category 2, hada waxaanu gaadhiisanay Category 7, waxana aanu hiiganaynaa in aanu wakhtiga xagaaga gaadhno Category 10, heerka ay dajisya haya’da Qaramada Midoobay u qaabilsan duulimaadyada aduunka.

waxa aan jecelahay inaan is dulqaato garoomada Somaliland anaga waa isku kaayo mid, aniga ayaana u wada Wasiir ah, madaxweynaha ugu wakiil ah, gobalaysi iyo ka dhawaysi midna ma jiro, laakiin siyaasad iyo istaraatijiyad aan madaxweynaha kala tashaday ayaanu ku kala horu marina dhismahooda, waayo ma lihin awood dhaqaale oo aynu mar ku wada dhisno, way fiicnaan lahayn inaynu madaaradeena mar wada dhisnaa, mar hadii dhaqaalaheenii xadidan yahay waxa lays waydiinayaa keebaa mudan? Dee waxa mudan madaarka caasimada, waana inuu noqdo garoon qiimo leh, oo aduunka aynu kala xidhiidhno, oo laynoo soo maro.Annaga oo aan madaarka hargeysa dhisin kuwo kale ma dhisi karno, Madaarka Berbera waa madaar meel kula yaala marsadeena caalamiga ah, waa mid sare u qaadanaya ganacsigeena waa Garoon sibidh ah International ah, wax caalami ahna isaga ayeynu leenahay, kan Hargeysa hada ayeynu la hiigsanahaynaa, Madaarka muhiimada sadexaad noo lihi waa ka Burco, isagana muhiimadiisu maaha wasiirka ayaa Burco ka soo jeeda, iyo Burco ayaa wax kale kaga duwan, waa garoon ku yaala halka sayladii xoolaha ee geeska Afkira ugu weyni ay ku taalo, waxanau ugu talo galanay inuu gobolad bari oo dhan habo, waxanu leenahay bulshada Somaliland waxanu nahay qaran aan wali na aqoonsan, markaas waa inay maalinta madaar dhisnaa oo qorshe yeelnaa, waxaan arintaa u xusayaa wax lagau yaabaa in dad muwaadiniin ahi ay wakhtiyada qaar khalad ka fahmaan marka aynu ka hadlayno arinta dhismaha Madaaradda.” ayuu wasiirka duulistu hadalkiisa ku soo gunaanaday.

IMG_2749

IMG_2766

IMG_2767

IMG_2774

IMG_2783

IMG_2791

IMG_2800

IMG_2803

IMG_2804

IMG_2807

IMG_2811

IMG_2815

IMG_2826

IMG_2837

IMG_2847

IMG_2848

IMG_2851

IMG_2857

IMG_2875

IMG_2911

IMG_2920

IMG_2965

IMG_2989

IMG_2998

Maxamuud Xaashi

SDN/QJ-Hargeysa

contact@qurbejoog.com

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed