Wasiirka Duulista Somalia Oo Faahfaahiyey Sababta Dib u Dhigtay in Somalia Maamusho Hawadeeda iyo Somaliland Oo U Dhegtaagaysa
Muqdisho:13-2014(SDN)- Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duuliska Hawada Siciida Jaamac Qoorsheel ayaa Ka Warramaya Caqabado Hor leh oo Soo Wajahay Qorshe la Doonayey in Hay’adda Gacanta ku Haysa Hawada Somalia ay Muqdisho ku soo Degi lahayd.
Wasiir Siciid oo Maalintii shalay u Warramayey Warbaahinta ayaa Xusay in Lagu Waday in Hay’adda Ekawa ee Maamusha Hawada Somalia ay Wakhti Hore Degto Muqdisho, si Loo Bilaabo Qorshe ay Dawladda Somalia si Buuxda Hawadeeda ugula wareegayso.
Waxa uu sheegay in qorshahaasi uu fashil iyo dib u dhac ku yimi ka dib qaraxii 19-kii June Ee Sanadkii hore lala Eegtay Xarunta UNDP ee Magaalada Muqdisho oo ay Hay’addani Doonaysay inay Degto Marka Hore.
Wasiirka ayaa hoosta ka Xariiqay in Haddii ay Hay’addani ka Cagojiiddo inay Muqdisho Timaaddo ay Dawladdu go’aan ka Gaadhi Doonto sidii ay u maamulan lahayd Hawadeeda.
Hay’aada ECAO ayaa Fadhigeedu yahay Nairobi, waxana ay Shaqadan Haysay muddo dheer oo Labaatan sano ka Badan, walina Cidi lama ay xisaabtamin.
Dhinaca Somaliland ayaa iyaduna il gaar ah ku eegaysay Dhaqdhaqaaqyada ay Hay’addani ku Doonayso inay inay Hawada Ku wareejiso, waxana ay rabtaa in ay talo ku Yeelato Habka hawada loogu Celinayo Somalia, iyadoo Dooonaysa inay Qaybteeda si Madax Bannaan u maamulato.
S.D.N
Contact@somalidiasporanews.com