|

Wasiirka Duulista iyo Hawada oo Faahfaahiyay Marxaladihii Dhismaha Madaarka Caasimada {DHAGAYSO}

Hargaysa 17.Aug 2013 (SDN)- Wasiirka Wasaaradda Duulista iyo hawada ee JSL Md maxamuud Xaashi cabdi Ayaa ka xogwaramay marxaladihii ay soo martay hawsha dib u dhiska iyo casriyaynta gegida dayuuradaha ee caasimadda Somaliland.

Wasiirka wasaaradda duulistu waxa uu caddeeyey in dib u balaadhinta RUN-WAY-ga ay maalgelintiisa lahayd dawladda Kuweit, xukuumadda Somaliland-na ay ku dartay qaybaha kale ee dhismayaasha cusubi ugu horeeyaan, taasoo markhaati ka ah meesha ay ku dambayso cashuurta laga qaado muwaadiniintu.

Md Maxamuud Xaaashi cabdi oo ka hadlayey qiimaha ay leedahay midnimo lagu galo hawl kasta oo dalku leeyahay waxa uu sheegay inay lama huraan tahay in la isu dulqaato lana wada yeesho iskaashi dhinac kasta si loo gaadho hadafka la tiigsanayo loogana midho dhaliyo himalada aasaasiga ah.

Halkan Guji si aad Mobilkaaga uga Dhagaysato Warbixinta Wasiirka Duulista
[peckplayer id=”1″ sound=”http://www.qurbejoog.com/waraysiyo/WasiirGuuxdhag17.mp3″]

Hargaysa SDN.

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed