Wasiirka Duulista iyo Hawada ee Somaliland oo jawaab ka bixiyay Tobanka dollar ee ay Madaarka ku qaadaan
Hargaysa 11,Jan (SDN) Gudi hoosaadka Dhaqaalaha ee Golaha Wakiilada ayaa maanta Xogwaran la yeeshay Wasiirka Wasaarada Duulista iyo hawada isla markaana wax ka weydiiyay lacag toban dollar ah oo lagu qaado madaarada,kuna jirin Miisaaniyad Sanadeedka 2013.
Wasiirka Wasaarada Duulista iyo Hawada Mudane Maxamud Xaashi Cabdi waxaa kulankaas ku wehelinayay Agaasimaha Guud ee Wasaarada Duulista iyo Hawada Axmed Dalal Faarax,iyo Agaasimaha Waaxda duulista iyo Hawada Siciid Mahdi Ileeye.
Gudoomiye ku xigeenka Gudida Dhaqaalaha ee Golaha Wakiilada Mudane Cali Xasan Maxamed Cali Mareexaan ayaa Wasiirka ka dalbaday inuu u sharaxo sababta kaliftay inay Wasaarad ahaan qaadaan lacagta tobanka dollar ah ee aan ku Jirin Odoroska Miisaaniyada Qaranka ee 2013.
Wasiirka Wasaarada Duulista iyo Hawada Mudane Maxamud Xaashi Cabdi oo Su’aashaas ka jawaabaya ayaa sheegay in Tobanka dollar ee ay wasaarad ahaan qaadan tahay mid ay ku ilaaliyaan amaanka madaarka isla markaana ay tahay mid ku meel gaadh ah,oo haday u badato sida uu yidhi soconaysa sannadkan aynu ku guda jirno .
Wasiirka Duulista iyo hawadu waxa uu xusay inuu golaha Wasiirada hor dhigay Khidmadan ,loona saaray Gudi ,kuna rajo weyn yihiin in sida ugu suurto galsan loo soo hordhigo golaha wakiilada.
Dhinaca kale waxaa Mudanayaasha Golaha Wakiilada Fadhigoodii Maanta loogu qaybiyay Xeerka Tiro koobka,kaas oo ay soo naaqishayaan.
Fadhigii maanta ee Golaha Wakiilada oo gudoominaayey Guddoomiye ku xigeenka 2aad ee Golaha wakiilada Md. Cali Yuusuf , waxaana warbixin xeerkan Golaha ka hor jeediyay G/xigeenka Guddi hoosaada arimaha debeda ee Golaha Wakiilada Cumar Axmed Sulaymaan (Sanweyne) waxaanuu golaha u soo ka dalbaday inay xeerkan oo muhiim ah sida ugu dhakhsiyaha badan u ansixiyaan.
Ugu danbayntii waxaa guddoomiyuhu mudanayaasha u sheegay in xeerka laga doodi doono maalmaha soo socda.
Hargaysa SDN