Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Somaliland oo Hargaysa ku soo gabo gabeeyay Taxanihii Taariikhda Nebigeeni Muxamed NNKH.
Hargaysa 24.Jan.(SDN) Wasiirka Wasaarada Diinta iyo Awqaafta ee Somaliland Sh.Khaliil C.laahi Axmed ayaa caawa ku soo gabo gabeeyay Siiradii ras’uulkeenii Suubanaa ee Muxamed NNKH,Masjidka Sh.Cali Mataan ee Caasimada Hargaysa.
Wasiirka Awqaafta ee Somaliland waxa uu si Xeel dheer uga waramay Taariikhdii ras’uulkeenii Muxamed NNKH,uu soo maray iyo heerarkii kala duwanaa ee Noloshiisii Caruurnimo ilaa .
Sheekh Khaliil C.laahi Axmed waxa uu bulshada u soo jeediyay Sidii ay Caruurta u bari lahaayeen Siiradii iyo Taariikhdii Nebiyulaahi Muxamed,waxaanu mahadnaq balaadhan u soo jeediyay Culimadii mudada todobada Cisho ah sida Xidhiidhka ah u waday taxanaha barnaamijka Siiradii ras’uulkeenii Muxamed NNKH.
Waxaa kale oo halkaasi hadalo ka soo jeediyay Shuyuukh ay ka mid ahaayeen Sh.Maxamed Adan Muxumed,Sheekh C.raxmaan Axmed, Sh Almis Yaxye iyo Sheekh Ismaaciil Cabdi Hure “Sheekh Ismaaciil Dheeg”.
Wasiirku waxaa u Gunaanadkii Kulankaasi uu Abaal marino isugu jira Kutub Qur’aan ah iyo Axaadiis uu halkaas ku gudoonsiiyay Sagaal Qof oo ka qayb qaatay Mudadii uu Socday Taxanaha Taariikhda iyo Barashada Sifaadkii Nebigeenii Muxamed NNKH.
Hargaysa SDN.