|

Wasiirka Diinta iyo Awqaafta oo kulan la Qaatay Isu duwayaasha Wasaaradaas ee Gobolada

Hargaysa 04.Jan 2014 (SDN)- Wasiirka wasaaradda Diinta iyo awqaafta Sh Khaliil Cabdilaahi Axmed ayaa xafiiskiisa kulan balaadhan kula yeeshay isu duwayaasha gobolada Dalka, kuwaasoo uu kala hadlay siyaasadda wasaaradda ee ku aaddan hirgelinta qorshayaasha sanadka cusub ee 2014.

Sheekh Khaliil C,laahi AxmedWasiirka oo isu duwayaasha kala hadlay dhinaca hanuuninta bulshada ayaa sheegay in mas’uuliyadoodu tahay in bulshada lagu dhiirrigeliyo laguna hanuuniyo wadaniyadda iyo shaqada, taasoo keenaysa inay tayo ahaan wanaagsadaan, iyadoo sees looga dhigayo barashada shareeada islaamka.

Sh Khaliil Cabdilaahi Axmed waxa uu xusay in isuduwayaasha goboladu awoodda saaraan ka qayb qaadashada mashaariicda horumarineed ee dalka ka socda, bulshadana lagu dhiirrigeliyo sidii ay isugu tashan lahaayeen iyagoo kaashanaya dawladooda, talaabadaas oo wasiirku ku sheegay dariiqada ugu sahlan ee wax lagu qabsan karo iyadoo aan la sugin taageero shisheeye.

Wasiirku isagoo ka hadlayey qorshayaasha sanadka cusub waxa uu kula dardaarmay isu duwayaasha gobolada in in si weyn looga hawlgalo kordhinta xarumaha barashada cilmiga diiniga ah si loo helo jiil cusub oo ku tababaran akhlaaqda islaamiga ah, halka sidoo kalena uu  wasiirku ku wargeliyey isuduwayaasha in la dardargeliyo hagaajinta iyo tayaynta xarumaha masaajidada iyo Mac-hadyada diiniga ah.

Dhanka kale wasiirku waxa uu kulankaa ka sheegay in wasaaraddu sanadkii tegay ee 2013 ay si wanaagsan uga hawlgashay dalka isla markaana wada shaqayn balaadhan la samaysay hay’adaha dawladda.

Isuduwayaasha wasaaradda diinta iyo awqaafta ee gobolka Togdheer, Sh Keyse Xaaji diiriye, isuduwaha Gobolka Sanaag Sh cabdilaahi cabdille Carraale, isuduwaha Gobolka Awdal Sh xaamud nadiif Axmed oo ku hadlayey magaca isuduwayaasha gobolada dalka ayaa wasiirka uga mahadceliyey dadaalka uu geliyey shaqada wasaaradda iyo sida uu uga midho dhaliyey isku xidhnaantii shaqaalaha iyo shaqada wasaaradda taasoo u suurogelisay in ay gobolada kaga hawlgalaan si kalsooni buuxda ku lamaan tahay.

Dhanka kalena wasiirka diinta iyo awqaafta Sh Khaliil cabdilaahi Axmed waxa uu maanta ka qayb galay kulan diimeed lagu tayaynayey waxbarashada kaas oo uu soo qabanqaabiyey Mac-hadka islaamiga ah ee Al-Dacwa laguna qabtay Hotel Safaari ee magaalada Hargaysa

Kulankan oo qayb ka ahaa dhiirrigelinta barashada culuunta islaamiga ah waxaa ka qayb qaadanayey in ka badan 141 arday oo culuumta shareecada islaamka ka bartay Macaahida iyo dugsiyada aqoonta islaamiga ah ee ku kala yaalla gobolada iyo degmooyinka dalka.waxana ka soo qayb galay mas’uuliyiin ay ka mid yihiin isuduwaha wasaaradda diinta iyo awqaafta ee Gobolka Maroodijeex Sh Maxamed ibraahim Jaamac, Caalimka weyn ee reer Somaliland Sh Yuusuf aadan, Gudoomiyaha Jaamacadda Beder, Hormuudka kuliyadda daraasaadka islaamiga ah ee jaamacadda hargeysa, wakiilo ka socday Hay’adaha islaamiga ah ee AL-Manhal, Al-Karaama iyo Geeska afrika. Iyadoo uu warbixin ka soo jeediyey gudoomiyaha mac-hadka AL-DACWA Sh Ibraahim Axmed Xirsi.

Wasiirka wasaaradda diinta iyo awqaafta sh Khaliil cabdilaahi Axmed ayaa shahaadooyin ku gudoonsiiyey munaasabadaasi ardaydii kaalimaha ugu horeeya ka gashay qiimayntii la sameeyey iyo imtixaanaadkii la qaaday.

Hargaysa SDN.

Qurbejoog.com

Comments are closed