|

Wasiirka Diinta Iyo Awqaafta Oo ka Hadlay Wafti Ka Socda Wadanka Sucuudiga Oo Booqasho Ku Jooga Somaliland Iyo Ujeedada Safarkooda

Hargeysa Mar 13,2014(SDN)-wasiirka wasaarada Diinta Iyo Awqaafta Somaliland Sheekh Cabdilaahi Axmed  ayaa maanta ka war bixiyey wafti ka socda wadanka Sucuudiga oo dalka soo gaadhay dhawaan.

Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Somaliland oo xafiiskiisa kula hadlay warbaahinta dawlada ayaa waxa uu sheegay in mudadii ay waftigani joogeen dalka wax badan ka qabteen arimaha caafimaadka, waxbarashada diiniga ah.

 Ugu horayn wasiirka wasaarada Diinta iyo awqaafta Somaliland Sheekh Cabdilaahi Axmed oo ka hadlaya wakhtiyada ay tagaan xajka iyo sida ay u soo bandhigaan fursadaha ka banaan Somaliland ayaa waxa uu yidhi  “Wakhtiyada aanu  tagno xajka oo kale waxaanu la xidhiidhnaa hay’addo kala duwan,culima u diin iyo ganacsato aanu u bandhigno warbixina ka siino horu marka dalkeena iyo halka ay  marayso nabad galyadeeniyo  inay ka faa,iidaystaa fursadaha ganacsi ama shaqo ee ka banaan dalkeena  gaar ahaana arimaha la xidhiidha ganacsiga, maal gashiga iyo waxbarashada”

 

Wasiirka Diinta iyo awqaafta Somaliland oo hadalkiisa sii wata ayaa ka hadlay sidii ay waftigani ku yimaadeen dalka waxaanu yidhi “Waxa nasiib wanaag ah in mudo hada laga joogo laba bilood  ay  inoo yimaadeen dhawr wafti oo kala duwan kuwaas oo ahaa waftiyo horu marineed oo la odhan maro waxay  inaga caawiyeen arimaha bulshada oo ay la xidhiidheen wasaarada caafimaadka oo kale, wasaarada waxbarashada oo kale, waxa kale oo ay bixiyeen tababar iyaga oo ilaa 800 qof u sameeyey adeegyo caafimaad oo ay  iyagu bixinayeen dawooyinkooda, markii aanu ku noqonay wadanka Sucuudiga waxaanu gudoonsiinay shahaado sharaf, halkaasna waxa ka dhashay in culimo, ganacsato iyo Tv laga leeyahay wadankaasi ay booqasho ku yimaadaan Somaliland”

Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Somaliland waxa uu ka war bixiyey mashaariicda ay doonayaan inay dalka ka fuliyaan waftigan ka socda wadanka Sucuudiga waxaanu yidhi “Fikirka xoolo dhaqida ayaa ugu miisaan weynayd maadaama oo laynagu yaqaano inaynu hanti u leenahay dhinaca xoolaha inaga oo sumcad weyn ku leh taas oo ka mid ah waxyaalaha ilaahay ku manaystay wadanka Somaliland , waxaanay ka fikirayeen inay sameeyaan xoolo naaxid, waxa kale oo ay hir gelin doonaan wixii ganacsiya ee ay samayn karaan iyaga oo la kulmay qaar ka mid ah ganacsatada dalka, waxa kale oo ay aad ugu kuur galeen dekeda Berbera iyo fursadaha ka yaala taas oo ay barbar socdeen inay horu mar ku sameeyeen dhinaca masaajidada iyo waxbarashada diiniga ah.” Ayuu yidhi Wasiir Khaliil Cabdilaahi Axmed.

AWQAAFDA

Comments are closed