|

Wasiirka difaaca Kiinya oo Kismaayo gaaray

Kismaayo December 25, 2022 (SD) – Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam ayaa manta Magaalada Kismaayo ku qaabilay Wasiirka Difaaca Kenya Mudane Aadan Barre Ducaale oo booqasho iyo kormeer ugu yimid Ciidamada Kenya ee kamidka ah howlgalgalka ATMIS.

Masuuliyiinta ayaa ka wada hadlay diyaar garoowga loogu jiro sidii loo bilaabi lahaa howlgalka Kooxda Al-Shabaab lagaga saarayo deegaanada Jubaland iyo doork Ciidamada Dowlada Kenya ee ka midka ah howlgalka ATMIS.

Madaxweynaha iyo Wasiirka ayaa sidoo kale ka wadahadlay sidii looga wada shaqayn lahaa amniga xuduudaha mudada ay socdaan howlgalada ka dhanka ah Al Shabaab.

Ciidamada Kiinya ee ku sugan Soomaaliya ayaaney dad badani ku qanacsaneyn ujjeedooyinka joogidooda ee la sheego iyo hawgalada ay dalka ka fuliyaan.

Khubarada qaarna waxa ayba u arkaan in ciidamadu yihiin caqabad ku gudban dhisida ciidamo Soomaaliyeed oo nabad dhaliya.

Comments are closed