|

Wasiirka Dibu dejinta Somaliland oo Xadhiga ka Jaray adeeg ay Shirkada Hargaysa Taxi soo kordhisay.

Hargaysa 3.Feb (SDN)        Wasiirka wasaarada  Dib u dajinta iyo gudoomiyaha gobolka maroodijeex oo maanta ka qayb galay xaflad lagu daaf furayay qayb cusub oo lagu kordhiyay shirkada Hargaysa Taxi.

Munaasibad balaadhan oo ay ka soo qayb galeen wasiirka wasaarada dib u dejinta somaliland Md Sleebaan Xaglotoosiye ,gudoomiyaha gobolka Maroodi-Jeex axmed cumar xamarje iyo marti sharaf badan ayaa waxa lagu qabtay magaalada Hargyasa .

ugu horeyn waxa goobtaas ka hadlay mulkiilaha shirkad gaadiidka ee Hargaysa Taxi Cabdxakiin Maxmuud Saalax waxanu ka sheekeeyay shirkadan iyo siyaabaha loo aas aasay iyo adeegyada ay qabato ,waxa uu sheegay inay shirkadu waagii hore Hargaysa Gudeheeda uun ka shaqayn jirtay laakin imika ay ka hawl gasho Magaalooyinka Hargaysa,  Berbera ,Wajaale, laascaanood ,Boorama.

gudoomiyaha gobolka Maroodi jeex Axmed Cumar xaaji cabdilaah oo goobtaas ka hadlay ayaa u mahaceliyay mulkiilaha shirkada Hargaysa Taxi tilmaamayna inay waxtar wayn u leedahay isku socodka magaalooyinka somaliland

wasiirka wasaarada dib u dejinta somaliland Mudane Saleebaan Ciise Axmed (Xaglo-tooiye) oo goobtaa ka hadalaya ayaa ku dheeraaday faa’iidad ay magaalooyinka somaliland u yeelanayaan gaadiidkani isagoo xusay inay sameeyeen adeeg loo baahnaa.

waxa kale oo goobtaas ka hadalay sheekh aadan siiro iyo martio sharaf kale

Hargaysa SDN.

Comments are closed