Wasiirka Dibu dejinta oo ka Hadlay Sida Dhaqaale laga dhalin karo Gaar ahaan Jasiirada Sacadadiin iyo Buurta Daalo Qurbejoog ka DAAWO
Hargaysa 22.March 2014 (SDN)- Wasiirka Wasaarada Dibu Dejinta ee Somaliland Md. Axmed Cabdi Kaahin ayaa Maanta Guul lama Ilaawaan ah ku tilmaamay Socdaalka Hilaaca Xeebaha ee Madaxweynaha Somaliland ku maray Deegamo badan oo ka Tirsan dalka.
Wasiirka Wasaarada Dibu Dejinta ee Somaliland Md. Axmed Cabdi Kaahin Waxa uu Sheegay in Somaliland leedahay Jasiirado iyo Buuralay loo dalxiis tegi karo kuwaas oo dekhli badani ka soo Geli karo dalka hadii laga shaqaysiiyo,Isagoo Si Gaara u soo qaatay Jasiirada Sacadadiin iyo Buurta daalo.
Wasiirku Waxa uu Xusay oo kale in Safarkaasi uu ahaa Mid adag balse Dhabar adayg ay Muujiyeen Weftiga Madaxweynuhu ay ugu suuro gashay inay soo maraan Deegaamo badan oo aan hore loo tegin.
Hargaysa SDN.
Qurbejoog.com