Wasiirka Daakhiliga oo ka hadlay dilkii ka dhacay gawso-wayne
Hargeysa, 23, June 2012 (Qurbejoog)- Wasiirka wasaaradda arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Nuur Carraale (Duur) ayaa maanta ka hadlay dilkii ka dhacay tuuladda Gawso-weyne.
Wasiirku wuxuu sheegay inuu soo dhawaynayaan waxgaradka u guntaday daminta xiisadaasi. Waxaanu ugu baaqay bulshadda ku dhaqan deegaamadaasi inay si wada jir ah u ilaashadaan nabadgelyadooda.
Wasiirku waxuu ugu baaqay warbaahinta dalka inay ka feejignaadaan waxyaabaha dadka kala fogaynaya isla markaana gacan siiyaan nabadgelyada iyo wada noolaanshaha bulshada walaalaha ah.
Waxaanu tacsi u diray dadkii halkaas ku geeriyooday, waxaanu cadaw ku tilmaamay dadkii dilkaas gaystay.
Qurbejoog, Hargeisa