|

Wasiirka cusub ee wasaarada Warfaafinta Somaliland oo xilkii la wareegay

Hargeysa Mar 19,2012(SDN)-Munaasabad ay xilka kula wareegayeen wasiirkii hore ee wasaaradda warfaafinta iyo wacyigelinta JSL Mudane axmed cabdi Xaabsade iyo wasiirka Cusub ee wasaaradda W/wacyigelinta Mudane Boobe Yuusuf Ducaale, ayaa saaka ka qabsoontay Xarunta wasaarada warfaafinta iyo wacyigelinta JSL.

Munaasabadaasi oo ay soo xaadireen mas’uuiyiinta iyo shaqaalaha kala duwan ee wasaaradda warfaafinta, Xildhibaano iyo mas’uuliyiin kale ayaa waxaa ka hadlay Xildhibaan Cabdiqaadir maxamed xasan Indho-Indho oo ka mid ahaa marti sharaftii lagu casuumay xafladaasi ayaa u soo jeediyey wasiirka cusub inuu ogaado xuquuqda shaqaalaha wasaarada oo ah shaqaale shaqeeya 18 saacadood.

Agaasimaha Guud ee W/W iyo Wacyigelinta Faysal Cali Sheekh ayaa faahfaahin dheeraada ka bixyey hawsha wasaarada waxana uu ugu horayn mahadnaq u jeediyey wasiirkii hore ee wasaaradda oo uu ku tilmaamay inuu wax weyn ka qabtay hawshii wasaarada iyo sidoo kale hawl;galada Gobolada bari ee Somaliland.

Isagoo sharaxayey qaabka shaqaalaha wasaaradda waxa uu Agaasimaha guud sheegay in la kordhiyey aqoonta iyo tayada shaqaal;aha isla markaana laga wada dhigay shaqaale joogto ah.

“waxa aanu kor u qaadnay awooda war qabad ee wakaaladda wararka ee Solna, waxaana hawada Yurub iyo North America la geliyey daawashada TV_ga Qaranka, iyadoo xarumo wasarada warfaafinta hos taga laga furay wadamo ka tirsan qaarada Yurub” ayuu yidhi agaasimaha guud Mudane faysal cali Sheekh.

 

Agaasimaha guud waxa uu intaa ku daray in ugu yaraan afar luqadood ay baahiso warbaahinta qaranku, hadana la wado mashruuc balaadhan oo lagu habaynayo laguna dayactirayo Studio-yaasha waaxyaha wasaarada.

 

Agaasimaha guud oo hadalkiisa sii wataa waxa uu tilmaamay inay ku gudo jiraan rakibaada Idaacadii weynayd ee Dalka wada gaadhaysay, isla markaana ay wasaarad ahaan xidhidh la leeyihiin wasaaradaha warfaafinta ee wadamada deriska ah ee jabuuti iyo Itoobiya, saxaafada madaxa banaan iyo hay’adaha shaqaalaha

 

Wasiirkii hore ee  Wasaaradda Warfaafinta iyo wacyigelinta JSL Mudane Axmed Cabdi Xaabsade ayaa ku soo dhoweeyey wasiirka Cusub shaqada wasaarada, sidoo kalena Madaxweynaha JSl uga mahadceliyey wasiirka cusub ee uu wasaarada u soo magacaabay.

 

Wasiirku waxuu sheegay in saxaafadda Somaliland ay xor tahay laakiin qaabkeeda shaqo aanu ahayn mid ka turjumaya macnaha loo yaqaano saxaafad xor ah ama madax banaan. Taasina ay keentay buu yidhi Mudane xaabsade in Saxaafadda madaxa banaan ay mararka qaarkood kashifaan xogta dawlada oo ay ugu horayso Sirta Ciidamadu.

 

Wasiirku waxa uu ka hadlay qaabka ay wasaarad ahaan ugu amreen warbaahinta qaranka inay dhexdhexaad ka noqdaan baahinta, isagoo tusaale u soo qaatay wargayska dawan Media oo uu ku sheegay inuu dhxdhexaadnimadiisa dartii noqday wargays aad loo akhristo.

 

Mudane xaabsade waxuu kula dardaarmay wasiirka cusub inuu ka war hayo warbaahinta qaranka oo ay haysato dhibaato dhanka dhaqaalaha ah, taasoo ka hor taagan inay gaadho himaladeeda.

 

Munaasabadaasi oo ku soo dhamaatay jawi wanaagsan wasiirkii hore ee warfaafinta Somaliland-na uu wasiirka Cusub gudoonsiiyey Nuqul lagu soo koobay Xogta wasaarada ayaa waxaa sidoo kale ka hadlay mas’uuliyiin kale.

SDN-Hargeysa

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed