Wasiirka Cusub ee Deegaanka oo Xilkii kala Wareegtay Wasiirkii ka Horeeyay
Hargaysa 02.July (SDN) Wasiirka cusub ee wasaaradda Deegaanka Marwo Shukri Xaaji Ismaaciil ayaa manta si rasmi xilkii wasaaradaasi ugala wareegtay wasiirkii hore ee wasaaradasi Mudane Maxamuud Siciid Gacamey.
Munaasabadda xil wareejinta oo ka dhacday Hotel Imperial ee magaalada Hargaysa ayna ka soo qayb galeen mas’uuliyiin ka tirsan xukuumadda iyo qaar ka mid ah gudiyada ururada haweenka Somaliland ayaa wasiirkii hore ee wasaradaasi Md gacamey waxa uu ka codsaday shaqaalaha wasaaradda inay si habboon ula shaqeeyaan wasiiradda cusub, halka sidoo kalena uu faahfaahiyey shaqada ay u xilsaaran tahay iyo waxyaabaha u qabsoomay mudadii uu xafiiska joogay.
Wasiirka cusub ee wasaaradaa deegaanka Marwo Shukri Xaaji Ismaaciil ayaa munaasabadaasi ka sheegtay inay shaqsiyan wada shaqayn la lahayd wasaaradan tan iyo markii la aasaasay, wasaaraduna wada shaqayn la leedahay wasaarado iyo hay’ado kala duwan, halka sidoo kalena ay wasaaradda ku tilmaantay mid wada shaqayn la leh bulshada dhexdeeda gaar ahan dadka ku nool miyiga iyo tuulooyinka.
Hargaysa SDN.
Qurbejoog.com