|

Wasiirka Cukuse Oo Isagoo Shaadhka Dawladda Adeegsanaya Xabsiga Dhigay Muwaadin Fikirkiisa Cabiray

Hargeysa:3-Oct-2013 (SDN)-Wasiirka wasaaradda warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Somaliland, ayaa Maalintii shalay Xabsiga u taxaabay Muwaadin dhawaan Warbaahinta ku Baahiyey Dhambaallo uu dhibsaday Wasiirku oo ku saabsanaa  Hawsha uu Wasiirku ugu qaybsan yahay Beesha uu ka soo jeedo.

cakusIsmaaciil maxamed Ciise Muse oo ah muwaadinkan wasiirku isagoo awoodda dawladeed Adeegsanaya xabsiga u taxaabay, ayaa maalin ka hor warbaahinta ku qoray  qoraal uu  ku dhaliilayo shaqada iyo shakhsiyadda wasiirka warfaafinta somaliland, waxana ay taasi keentay in wasiir cukuse uu  la tiigsado xadhig Jeelkana kaga Aar guto.

Muwaadin  Ismaaciil  Maxamed Ciise Muuse oo ah  shakhsi caan ku ah inuu fikirkiisa Qaab salmi ah oo toolmoon ugu soo bandhigo saxaafadda madaxa Bannaan, ayaa noqday Muwaadinkii ugu horreeyey ee uu Wasiir Cukuse Xabsiga dhigo tan iyo intii uu wasiirka ahaa, waxana ay tani qayb ka tahay saska ay masuuliyiinta xukuumaddani ka qabaan qoraaladda iyo waliba qaabka ay warbaahinta waddanku u baahiso wararka la xidhiidha  Hannaanka shaqadooda iyo waliba Goldaloolooyinka ay leeyihiin.

Wasiir Cukuse  oo ahaa saxafi caan ku ahaa inuu hannaan baal marsan Anshaxa toolmoon ee saxaafadda u baahiyo  xilligii xukuumaddii Rayaale oo uu Mihnadda Saxaafadda ku shaqaysan jirey,  ayaa haatan sas ka qaba saxaafadda Madax bannaan iyo waliba dadka shacabka ah ee fikirkooda cabira, waxana uu intii muddo ahaydba u malcuunsanaa sidii uu u xidhi lahaa muwaadinkan fikirkiisa cabiray.

Ma aha Muwaadin Ismaaciil shakhsigii ugu horreeyey ee fikirkiisa  uu u xidho wasiir shaadh dawladeed Gashani, balse waxa ka horreeyey Muwaadin Jaamac jiir oo isaga lagu riday xukun Afar sano iyo dheeraad ah ka dib markii lagu eedeeyey inuu wax ka sheegay wasiirka madaxtooyada somaliland Xirsi Cali Xaaji Xasan.

Muwaadin Ismaaciil oo ah nin Ganacsade ah ayaa ciidanka Boolisku Xabsiga dhigeen Maalintii shalay, waxana uu Haatan ku jiraa Saldhigga dhexe ee Magaalada Hargeysa, waxana la sheegayaa in intii aan Saldhigga dhexe la geynin la soo mariyey in ka badan  11-saldhig ka hor intii aan la keenin  Saldhigga dhexe.

Xukuumaddan oo ka tirsan yahay Wasiir Cukuse, ayaa iyadu caan ku ah cabudhinta saxaafadda madax bannaan iyo shakhsiyaadka firradooda cabira, waxanana haatan xadhiggiisa looga jeedaa in lagu bahdilo oo lagu khasbo inuu  ka caago inuu mar dambe fikirkiisa soo bandhigo.

 

Wararka Hoose ee na Soo Gaadhaya, ayaa sheegaya in markii ay Yimaaddeen Odayaashii Muwaadinkan xidhani uu Wasiir Cukuse ka diiday inuu sii daayo, waxana uu Odayaashii masuulka ka ahaa muwaadin Ismaaciil  u sheegay inuu uga baahan yahay inay  sameeyaan Qoraal ay ku caddeynayaan inaanu wax dambe oo ku saabsan wasiirka qori karin.

Odayaasha  ayaa la sheegayaa inay ka cago jiideen inay wax saxeex ah sameeyaan, maadaama Muwaadinkani  yahay qor xor u ah inuu fikirkiisa soo bandhigo oo ay taasi tahay xaq dastuuri ah oo qof kastaa leeyahay, waxase markii dambe lagu ballamay in waaga la sugo.

 

 

S.D.N

Contact@somalidiasporanews.com

 

 

 

Comments are closed