Wasiirka Ciyaaraha oo Deeq Lacag iyo Qalab Sport ah ka Gudoomay Shirkada Dahabshiil
Hargaysa 15.May (SDN) Wasiirka Wasaarada Dhalinyarada Ciyaaraha iyo Dhaqanka Mudane Cali Siciid Raygal ayaa maanta deeq isugu Jirta Dirays iyo Lacag waxa uu ka Gudoomay Shirkada Dahabshiil Group.
Deeqdan oo ka koobnayd Qadar lacag ah iyo dirayska Ciyaaraha ee 13 ka Gobol ee Ka qayb qaadanaya Tartanka Ciyaaraha Gobolada dalka,Taas oo ay Shirkadu kaga qayb qaadanayso dhiirigelinta Ciyaaraha,iyo da’yarta Somaliland.
Madaxa Xidhiidhka Bulshada ee Shirkada Dahabshiil Xasan Xiis Jaamac oo madashii wareejinta deeqdaas ka hadlay ayaa sheegay inaanay deeqdani ahayn tii u horaysay ee Shirkadani ugu tabarucdo Ciyaaraha, Waxa uu Mas’uulkani Xusay inay Shirkad ahaan hore uga qayb qaateen horumarinta ciyaaraha sida dhismayaasha garoomada iyo dayactirkooda.’
Xasan Xiis waxa uu tilmaamay in Shirkada Somtel oo ka mid ah Faracyada kala duwan ee Shirkada Dahabshiil Group ay si toos ah bulshada somaliland ugu soo Gudbisay Ciyaarihii Gobolada ee Ka qabsoomay Magaalada Burco,isagoo balanqaaday inay Sannadkan ku dadaalayaan in dunida dacaladeeda ay u Gudbiso Tartanka Gobolada ee la filayo inuu bisha Juun ka furmo Caasimada Hargaysa.
Wasiirka Wasaarada Dhalinyarada Ciyaaraha iyo Dhaqanka Mudane Cali Siciid Raygal oo hadal ka jeediyay Goobtaas ayaa ku tilmaamay shirkada Dahabshiil mid door weyn ka ciyaarta horumarinta ciyaaraha,waxaanu uga mahad celiyay deeqdan ay soo gaadhsiiyeen oo wax weyn ka taraysa qabsoomida tartankan .
Waxaa kale oo halkaasi hadalo ka soo jeediyay Khadar C.raxmaan C.laahi iyo Iid Muuse Maxamed oo ka mid ah Hawl wadeenada Shirkada Dahabshiil.
Hargaysa SDN.
Qurbejoog.com