|

Wasiirka Ciyaaraha oo daboolka ka qaaday in tartankii Ciyaaraha Gobolada dalku uu 15bishan ka furmi doono Caasimada Hargaysa.

Hargaysa.08.Jan (SDN)

Wasiirka Wasaarada Dhalinyarada iyo Ciyaaraha ee Somaliland Mudane Cali Siciid Raygal ayaa maanta sheegay in 15ka bishan aynu ku guda jirno ee January   si rasmi ah u bilaabmi doonaan Ciyaarihii Gobolada Somaliland.

Waxa uu Wasiirka Dhalinyarada Ciyaaraha iyo Dalxiisku uu tilmaamay in tartankan oo marxalado kala duwan soo maray ay ku faraxsan yihiin inuu si habsami leh uga bilaabmo Caasimada dalka ee Hargaysa isla markaana ay ka qayb qaadan doonaan sida uu Xusay Gobolada Somaliland.

Mudane Cali Siciid Raygal waxa uu baaq u diray dhalinyarada Somaliland isla markaana waxa uu u soo jeediyay inay iska jiraan Tahriibka,iyo balwadaha dhaawaca ku ah Mustaqbalka dheer ee Sugaya.

Tartankan ayaa hore u qorshaysnaa inuu qabsoomo dabayaaqadii bishii October ee sannadkii hore ,hasa yeeshee waxaa dib loogu dhigay sababo la xidhiidhay Ololihii Doorashada Golayaasha Deegaanka ee dalka ka socday.

Hargaysa SDN

Comments are closed