|

Wasiirka Cadaalada Somaliland oo dhagax dhigay Xabsi laga Hirgalinayo Magaalada Balli Gubadle

Balli Gubadle 27.Aug 2013 (SDN)- Wasiirka Wasaarada Cadaalada ee Somaliland Mudane Xuseen Axmed Caydiid oo uu Weheliyo Taliyaha Ciidamada Asluubta Sareeye Guuto Maxamed Xuseen Faarax Xiirane ayaa maanta Dhagax dhigay Jeel Cusub oo laga Hirgalinayo Magaalada Balli Gubadle ee Xarunta Gobolka Hawd.

Wasiirka Cadaalada iyo MandheeraDhismaha Jeelkan oo ay Maalgelinayso Hay’ada DDG oo fadhigeedu yahaay magaalada Balli Gubadle waxaa ka hadlay Madaxa Hay’adaas C.raxmaan Warsame Nuur isla markaana Sheegay in hay’ad ahaan ay ka qayb qaadanayaan horumarinta Gobolka iyo dhismayaasha laamaha amaanka ee Gobolka Hawd.

Wasiirka Wasaarada Cadaalada ee Somaliland Mudane Xuseen Axmed Caydiid iyo Taliyaha Ciidamada Asluubta Sareeye Guuto Maxamed Xuseen Faarax Xiirane oo halkaasi ka hadlay ayaa tilmaamay faa’iidada uu Jeelkani u leeyahay Gobolka Hawd kagana maarmi doonaan ayay yidhaahdeen in Maxaabiista ay Xukunto Maxkamada Gobolka Hawd inaan la keenin Caasimada waxaa kale oo ay madaxdani u mahadceliyeen Hay’ada DDG ee Hirgalinaysa Dhismaha Jeelkan.

Waxaa kale oo halkaasi ka hadlay Gudoomiyaha Gobolka Hawd .

Wasiirka iyo Taliyaha Ciidanka Asluubtu waxay soo kormeereen Xafiisyada Wasaarada Maaliyadda,Waxbarashada,Xarunta Maamulka Gobolka iyo Ka Degmada Balli Gubadle.

Balli Gubadle SDN.

Qurbejoog.com

 

 

 

Comments are closed