|

Wasiirka Cadaalada oo Waxba kama Jiraan ku Tilmaamay inay Is faro saareen Agaasimihiisa Guud

Hargaysa 14.October 2013 (SDN)- Wasiirka wasaaradda Cadaaladda  iyo Garsoorka Md Xuseen Axmed Cadiid ayaa maanta shir jaraa id oo uu ku qabtay xafiiskiisa  ayaa ku beeniyay warar uu sheegay in ay yihiin kuwo aan sal raad toona lahayn oo ay   warbaahinta maxaliga ah eedalka qaarkood  ku faafiyeen  in ay is fara saareen agaasimaha guud ee wasaarada  cadaalada iyo wasiirku.

Wasiirka Cadaalada iyo MandheeraWasiirka wasaaradda cadaaladda iyo garsoorka Md Xuseen Axmed Caydiid oo shirkiisa jaraa id kula hadlay warbaahinta ay ka waramay warar wargaysyada qaarkood ay faafiyeen , kuwaas oo sheegayay in ay is faro saareen agaasimaha guud ee wasaarada cadaalada waxaanu wasiirku  dhacdadaa ku tilmaamay mid aan jirin oo an sal iyo raad toona lahayn.

WaxaanA Wasiirku  intaa raaciyay in  warbixinaha  noocaas ah ee wargaysyada qaarkood ay baahinayaan   ay tahay mid looga gol leeyahay in lagu iib galiyo   wargaysyadaas taas  oo saamayn fool xun leh  waxaana uu u jeediyay  masuulyiinta wargaysaydaasi in ay ka waantoobaan  talaabooyinka noocaas ah..

Dhinaca kale wasiirka wasaraada cadaalada oo ka hadlayay qaadhaan loo uruurinayay maxkamada gobolka gabilay  ayaa ku tilmaamay arin lagu canbaaraynayo xukuumada ,

Wasiirku waxa sidoo kale uu sheegay in la hor gayn doono gudida cadaaladda qaranka garsoorihii lugta ku lahaa arintaasi  oo uu ku tilmaamay fadeexada  la doonayay in qaadhaan loogu uruuriyo maxakamada gobalka gabilay, xukuumada Somaliland ay tahay xukuumadii ugu tayada fiicanayd ee dhinaca adeega garsoorka dhan kastoo loo eego.

Hargaysa SDN.

Qurbejoog.com

Comments are closed