|

Wasiirka Cadaalada oo ku Wareejiyay Ciidanka Asluubta Xafiisyo ay ku Shaqeeyaan

Hargaysa 06.March (SDN) Wasiirka wasaarada cadaalada Mud, Xuseen Axmed caydiid,ayaa maanta ku wareejiyey  Taliyaha ciidanka asluubta  Sareeye-Guuto Maxamed Xuseen Faarax,Qalab  xafiiseed loogu tala galay  xarumaha ciidanka asluubta   ee shan Gobo loo ka mid ah Goboladadalka.

Munaasibadda Gudoonka deeqdan oo lagu qabtay xarunta wasaarada cadaaladda ayaa wasiirku waxa uu ku wareejiyey  Taliyaha Ciidanka  qalabka xafiisyada taliyayaasha  ciidanka asluubta  ee Gobolada  T/dheer,Saaxil,Awdal, Hawd iyo Gabilay.

Hadal uu halkaasi kajeediyey Wasiirkawasaarada cadaalada Mud, xuseen Axmed Caydiid,ayaa  waxa uu  ugu horayn halkaa  uga mahad-naqay Hay’adda UNDP oo iyadu ku deeqdan qalabka,waxaanuu sheegey in qalabkan loogu tala galay inuu daboolo  baahidii dhinacyada xafiisyada ee xarumahaas. Waxaanuu  taliyayaasha ciidanka asluubta ee goboladaas inay qalabka dhaqaalaystaan.

Waxaanuu  wasiirku  intaa raaciyey inaanu qalabkani noqon doonin deeqdii ugu  horaysay  ee nooceeda ah ee  gaadha xarumahaasi. Dhinaca kalena waxa uu wasiirku tilmaamay   in wasaarad ahaan ay ku dedaalayaan sidii ay u sugi lahaayeen  xuquuqda  maxaabiista  xabsiyada ku jiraa ayleeyihiin.

Taliyaha Ciidanka Asluubta S/Guuto Maxamed Xuseen Faarax,oo isna halka ka hadlay ayaa waramay baahiyaha dhinaca  qalabka xafiisyada ee ka jira talisyada  ciidanka asluubta ee gobolada dalka. Waxaanuu wasiirka  uga mahad naqay  dedaalkiisa  wax ka qabashada baahiyaha xafiisyada ku wajahan, taasi oo uu sheegay inay ka dhalatay  kormweerka  iyo ka war haynta wasiirku  ku sameeyey   xabsiyada .

Hargasya SDN.

Qurbejoog.com@gmail.com

 

 

 

Comments are closed