|

Wasiirka Cadaalada oo dhaqan galiyay Go’aan ka soo baxay Gudida Cadaalada,Halkan ka Akhri Dhamaanba Xubnaha Isku shaandhayntu Saamaysay

Hargaysa 07Jan.(SDN)

Qoraal ka soo baxay Maanta Wasiirka Wasaarada Cadaalada iyo Garsoorka ee Somaliland Mudane Xuseen Axmed Caydiid ayuu ku fuliyay go’aan ka  soo baxay Gudida Cadaalada kaas oo nuxurkiisu ahaa Bedelaad Garsoorayaal,Xeer ilaaliye yaal ,Shaqo ka saarid iyo Magacaabis .

Qoraalkan oo nuqul ka mid ahi soo gaadhay Shabakada Wararka ee SDN ayaa lagu sheegay in Wasaarada Cadaalada ee Somaliland iyadoo u xilsaaraan fulinta Go’aanada Gudida Cadaalada ay faafisay go’aankan oo u dhigan Sidan:-

  1. C.raxmaan Jaamac Hayaan waxaa laga bedelay Gudoomiyaha Maxkamada Racfaanka ee Gobolka Maroodi jeex,Waxaana loo bedelay Maxkamada Racfaanka ee Gobolka Saaxil.
  2. Rashiid Maxamud Xirsi “Beer Geel” waxaa laga bedelay Gudoomiyaha Maxkamada Degmada Hargaysa waxaana loo bedelay Gudoomiyaha Maxkamada Gob/Degmo Gebilay
  3. Faysal C.laahi Ismaaciil waxaa laga bedelay Gudoomiyaha Maxkamada Gob/Degmo Gebilay,waxaana loo bedelay Gudoomiyaha Maxkamada Gobolka Maroodi jeex.
  4. C.Rashiid Maxamed Maxamud waxaa laga bedelay Gudoomiyaha Maxkamada Gobolka Maroodi jeex,waxaana loo bedelay Gudoomiyaha Maxkamada Racfaanka ee Gobolka Maroodi Jeex.
  5. C.raxmaan Maxamed Mawliid waxaa laga bedelay Garsoore maxkamada degmada hargaysa,waxaana loo magacaabay Gudoomiyaha Maxkamada Degmada Hargaysa.
  6. Aadan Jaamac Saleebaan waxaa laga bedelay Garsoore Maxkamada Racfaanka ee Gobolka Sanaag,waxaana loo magacaabay Gudoomiyaha Maxkamada Gobolka Sanaag.
  7. C.raxmaan Jaamac Bare waxaa laga bedelay Gudoomiyaha Maxkamada Gobolka Awdal,waxaana loo bedelay Gudoomiyaha Maxkamada Gobolka Saaxil.
  8. Ibraahin Cabdi Yaasiin waxaa laga bedelay Gudoomiyaha Maxkamada Gobolka Saaxil waxaana loo bedelay Gudoomiyaha Maxkamada Gobolka Awdal.
  9. Cali Suudi Diiriye waxaa laga bedelay Gudoomiyaha Maxkamada Racfaanka Gobolka Saaxil,waxaana loo bedelay Garsoore Maxkamada Racfaanka ee Gobolka Maroodi jeex.
  10. Cabdi laahi Axmed Xaaji Diiriye oo ahaa Garsoore Maxkamada Racfaanka ee Gobolka Togdheer kadib markii uu shaqada isaga tagay waxaa laga saaray Shaqadii Garsoorka.

11. Sh,Jaamac Cawil Aadan waxaa lagu buuxiyay booskii  laga saaray Garsoore C.laahi Axmed Xaaji Diiriye,Waxaana loo magacaabay Gudoomiyaha Maxkamada Degmada Gar adag,iyadoo loo eegayo danta guud ee cadaalada.

  1. Cabdi kariin Xuseen Axmed waxaa laga soo bedelay ku xigeenka xeer ilaaliyaha Guud ee Gobolka Sanaag waxaana loo bedelay ku xigeenka xeer ilaaliyaha Guud ee Gobolka Maroodi jeex.
  2. Siciid Maxamed Obsiiye waxaa laga bedelay Madaxa xafiiska ku xigeenka Xeer ilaaliyaha Guud ee Gobolka Sanaag waxaana loo bedelay ku xigeenka Xeer ilaaliyaha Guud ee Xarunta Hargaysa.

Hargaysa SDN

 

Comments are closed