|

Wasiirka Caafimaadku Muxuu kala Kulmay Socdaalkii uu ku Tagay Wadanka Jabuuti

Hargaysa 02.Dec 2013 (SDN)- Wasiirka wasaarada caafimaadka J S L  Mudane Saleebaan Ciise Axmed [ xaglo toosiye] ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay ka dib markii uu soo dhamaystay dafar shaqo oo uu ku tagay dalka aynu jaarka nahay ee Jamhuuriyadda Jabbuuti.

xaglo toosiyeUjeedada safarka wasiirka wasaarada  caafimaadka  Somaliland ayaa la xidhiidhay  hawlo shaqo  oo ku saabsan  iskaashiga dhinaca caafimaadka ee labada dal  iyo sidii wada shaqayn iyo isku xidh looga samayn lahaa  guud ahaan caafimaadka .

Wasiirka wasaaradda caafimaadka md saleebaan ciise axmed [ xaglo toosiye] oo kazoo dagay garoonka caalamiga ah ee egal intaranational air port ayaa warbaahinta dawlada ugu warmay qolka nasashada madaarka isagoo sheegay  in safarkiisii shaqo uu ku soo dhamaaday guul iyo midho dhal wacan waxaanu intaa ku daray in deeq dawo ah oo dawlada  jabuuti ugu deeday somaliland in ay maalmaha soo socda dalka soo gaadhi doonto.

Geesta kale agaasimaha guud ee wasaarada caafimaadka dr cismaan xuseen warsame  oo  safar shaqo ugu maqnaa dalka Imaaraadka Carabta ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay ayaa ka warbixiyay safarkiisa  isagoo sheegay in uu dalka imaaraadka carabta kaga qeyb galay shir caalami ah kaas oo lagaga hadlaayay dhibaatada  isticmaalka  maandooriyeyaasha .

Agaasimaha guud waxa uu u mahad celiyay hayada caafimaadka aduunka ee  W H O  oo soo qaban qaabisay shirkaasi isagoo xusay in ay kazoo koradhsadeen aqoon muhiim ah oo la xidhiidha halista iyo khataraha maandooriyeyaasha.

Hargaysa SDN.

Qurbejoog.com

Comments are closed