|

Wasiirka Caafimaadka oo soo gabo gabeeyay Kulan ay Wasaaradiisu dib isugu Qiimaynaysay

Hargaysa 26.Feb (SDN)      Wasiirka Wasaarada Caafimaadka ee Somaliland Dr Xuseen Maxamed Maxamud Xoog ayaa maanta soo gabo gabeeyay Shir u socday Qaybaha Wasaarada Caafimaadka isla markaana lagu qiimaynayay Hawl qabadkii wasaarada ee Sannadkii dhamaaday,Caqabadaha Jira iyo qorshaha ay ku hawl galayaan Sannadkan Socda.

Kulankan oo Socday Mudo laba Maalmood ah,waxay Waaxihii ka qayb qaadanayay ku soo bandhigeen wixii u qabsoomay iyo Qorshaha ku talo gal ee Sannadkan.

Wasiirka Wasaarada Caafimaadka ee Somaliland Dr Xuseen Maxamed Maxamud Xoog oo gabo gabadii Kulankaasi ka hadlay ayaa u mahadnaqay Madaxda iyo Hawl wadeenada Wasaarada Caafimaadka,oo uu Xusay inay si wanaagsan isugu xidhan yihiin,waxa uu Wasiirku ka dalbaday inay sii libin laabaan hawlaha ay ummada uga Mas’uulka Yihiin.

Kulankan waxaa Goob joog ka ahaa Wasiir ku xigeenka Wasaarada Caafimaadka iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradaasi waana mid Sadexdii biloodba mar la qabto si loo ogaado wixii u hirgalay iyo caqabadaha jira.

Hargaysa SDN.

Comments are closed