|

Wasiirka Beeraha Somaliland oo booqday Degmeda Gebiley

Hargaysa 19.Dec.2012 (SDN) Wefti uu hogaaminayo Wasiirka Wasaarada Beeraha ee Jamhuuriyada Somaliland Prof Faarax Cilmi Maxamud Geedoole ayaa maanta socdaal shaqo ku tagay dhul beereedka Ceel Baxay,Lafta-Tiinka,Gogol Wanaag oo dhamaantoodba ka tirsan Gobolka Gebilay.

Weftiga Wasiirka oo ay ka mid ahaayeen Agaasimaha Guud ee Wasaarada Beeraha C.laahi Ismaaciil Faarax,Isu duwaha Wasaarada Beeraha ee Gobolka Gebilay,Maareeyaha Mashruuca kala xadaynta beeraha iyo Gudoomiyaha Gobolka Gebilay.

Ujeedada kormeerka Weftiga Wasiirka Beeraha ayaa la xidhiidhay u kuurgalida sida uu u hirgalay Mashruuca lagu kala xadaynayo beeraha iyo sida ay u socoto arrimaha la xidhiidha Mulkiyadaha iyo Cabir loo kala samaynayo dhul beereedka deegaankaasi,oo ay si wada jir ah u fulinayaan Hay’adaha UNIDO,UNDP iyo Wasaarada beeraha ee Somaliland.

Wasiirka iyo Weftigiisu waxay warbixino ka dhagaysteen kooxo ka tirsan Wasaarada beeraha oo ka hawl galayay deegaankaasi ay hawshani ka socoto.

Wasiirka Wasaarada Beeraha ee Jamhuuriyada Somaliland Prof Faarax Cilmi Maxamud Geedoole oo goobahaasi kula hadlay beeralayda Gobolkaasi ayaa sheegay in nidaamkani yaraynayo khilaafaadkii inta badan ka dhici jiray dhinaca beeraha.

Agaasimaha Guud ee Wasaarada Beeraha C.laahi Ismaaciil Faarax ayaa beeralayda deegaankaasi ugu bushaareeyay inay u qodi doonaan Toban Dhaam oo hada mid ka mid ah hawshiisu ay diyaar tahay,isla markaana wax weyn ka tari doona baahida dhinaca biyaha ah ee la soo derista dadka deegaankaasi.

Waxaa kale oo halkaasi hadalo ka soo jeediyay Gudoomiyaha Gobolka Gebilay C,laahi Ismaaciil Faarax iyo Madaxa Mashruucan kala xadaynta beeraha Maxamed Xaaji Cali Xasan oo mahadcelin u soo jeediyay Wasaarada Beeraha iyo Hay’adahan kale ee Mashruucan ka wada Gobolkaas.

SDN-Hargeysa

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed