|

Wasiirka Beeraha oo kormeer Shaqo ku tagay deegaamo ka tirsan Gobolka Maroodi jeex.

Hargaysa 29.Jan.(SDN) Wasiirka Wasaarada Beeraha Md.Faarax Cilmi Geedoole,oo ay Waheliyaan wafdi ka socda urur gobaleedka igad, Saraakiil ka tirsan Hay’adaha Ifad, W.f.p iyo Ururka Wadaniga ah ee Taakulo ayaa Maanta Kormeer Hawleed ku soo Maray,Degaanada ,Xagal Xareed iyo Abu-Riin ee Gobolka Maroodi Jeex.

 

Weftigan ayaa Kormeerkoodu  waxa uu La Xidhiidhay Sidii ay ugu Kuur gali lahaayeen Xaalada Fiditaanka Dooxa Maroodi Jeex oo Beeraleyda Deegaanadaasi  waxyeelo ku haya iyo sidii loogu hawlgali lahaa xakamayntiisa.

Wasiirka iyo wafdigiisa ayaa intii ay ku guda jireen socdaalkooda waxa ay degaanka xagal ku dhagax dhigeen mashruuca ku wajahan xakamaynta  waxyeelada fiditaanka dooxa maroodi jeex ku hayo beeralayda jiidaas .

Dhanka kalena wafdigu waxa ay soo kormeereen mashruuca Abu Riin ee Beeraha kaas oo hayada Ifad ay gacanta ku hayso  dib u habayntiisa iyo qaybta cilmi baadhista oo daraasado cusub laga wado.

Hargaysa SDN.

Comments are closed