|

Wasiirka Arrimaha Guddaha ee Somaliland oo Maanta ku soo laabtay Caasimada Hargaysa

Hargaysa 27.Dec 2013 (SDN)- Wasiirka wasaaradda arimaha gudaha ee JSL Md Cali maxamed warancadde oo muddooyinkii dambe socdaal shaqo ugu maqnaa dalka dibadiisa aya maanta oo jimce ah dalka dib ugu soo laabtay.

 

Cali WarancadeeeWasiirka oo ay garoonka diyaaradaha ee Egal Intranational Airport ku soo dhoweeyeen mas’uuliyiin ka tirsan golaha wasiirada, salaadiin iyo dadweyne faro badan ayaa saxaafadda uga waramay socdaalkiisii qaaradda yurub iyo waxyaabihii uga soo qabsoomay.

Dhanka kalena Md warancadde wasiirka arimaha gudaha ee jSL oo si gaar ah uga hadlay mudaharadkii dhowaan ka dhacay magaalada Burco, xarunta gobolka Togdheer ayaa ugu horayn tacsi u diray eheladii dadkii halkaa wax ku noqotay uguna baaqay dadweynaha reer burco in ay ilaashadaan nabadgelyadooda oo aanay ka hadhin horumarka ay sida wadajirka ah u tiigsanayaan umadda Somaliland, halka sidoo kalena wasiirka arimaha guduhu sheegay in aanay rally ka ahayn in ciidamada ammaanku ay rasaasta nool u isticmaalaan dad rayid ah oo banaanbaxaya.

Hargaysa SDN.

Qurbejoog.com

Comments are closed