|

Wasiirka Arrimaha Guddaha Soomaaliya Muxuu ka yiri Wadahadii Somaliland iyo Soomaaliya

Muqdisho July 13,2013(SDN)-Wasiirka wasaarada arrimaha guddaha ee dalka Soomaaliya oo dhawaan ka qeybgalay wadahadaladii Turkiga ku dhex maray Somaliland iyo Somalia ayaa ka war bixiyay qodobadii ka soo baxay.

Wasiirka oo arimahaa ka hadlayna mar uu shie saxaafada ugu qabtay Mudisho waxa ka mid ahaa:“Wadahadalladii ka dhacay Turkiga waxay ahaayeen kuwo lagu qancinayo Somaliland si ay qayb uga qaataan midnimada Soomaaliya, waxaana kasoo baxay saddex qodob oo midkood uu ku saabsanaa maamulka hawada dalka Soomaaliya.

Guddiyo labada dhinac ka kooban ayaa loo saaray sidii ay uga soo shaqeyn lahaayeen habka lagu maamulayo hawada Soomaaliya.

Qodoobbadii la isku mari waayay waxaan u dib dhignay shirka soo socda oo ka dhici doona Turkiga 120 maalmood kaddib. Waxaana rajeynaynaa inay ka soo baxaan shirkaas qodobbo wax ku ool ah.”

Dhanka Somaliland ayaan wefdigii shirka ka qeybgalay aaney si waafi ah uga hadal natiijadii ka soo baxday shirka,kolka laga reebo hadalo ay warbaahinta u mariyeen shacabka.

SDN-Muqdisho

contact@somalidiasporanews.com

“Wadahadalladii ka dhacay Turkiga waxay ahaayeen kuwo lagu qancinayo Somaliland si ay qayb uga qaataan midnimada Soomaaliya, waxaana kasoo baxay saddex qodob oo midkood uu ku saabsanaa maamulka hawada dalka Soomaaliya – See more at: http://gaafo.com/226596/wasiirka-arrimaha-gudaha-wadahadalladii-lagu-qabtay-turkiga-waxay-ahaayeen-kuwo-lagu-qancinayay-somaliland/#sthash.OhxDtyIc.dpuf

 

Comments are closed