Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland iyo Taliyaha ciidanka Booliska oo booqday dugsiga tabobarka Ciidamada ee Mandheera
Mandheera April 11,2012(SDN)- Wasiirka Wasaarada Arrimaha Gudaha ee Jamhuuriyada Somaliland Mudane Maxamed Nuur Caraale “Duur” oo ay weheliyaan Taliyaha Ciidanka Booliska C.laahi Fadal Iimaan iyo badhasaabka gobolka Saaxil Maxamud Cali Saleebaan (Ramaax), ayaa maanta kormeer ku tagay dugsiga tababarka Ciidanka Booliska ee Mandheera, halkaasoo uu tababar uga socdo sadex boqol iyo afar iyo lixdan askari.
Taliyaha ciidanka Booliska oo wasiirka uga waramayey xaalada guud ee dugsiga tababarada ee Mandheera iyo hawlaha hada ka socda, ayaa sheegay in 364 Askari ee tababarku u socdaa ay u badan yihiim ardaydii dugsiyada sare ka baxday , isla markaana ay u soo diyaar garoobeen inay ka mid noqdaan ciidamada booliska Somaliland , si ay uga qaybqaataan waajibaadka qaran ee ay ciidamadu u xil saaran yihiin. Taliyaha ciidanka Boolisku waxa uu ku waaniyay ciidamada tababarku u socday inay dhowraan Anshaxa iyo karaamada ciidannimo, isla markaana ay u diyaargaroobaan sidii uga qaybqaadan lahaayeen waajibaadka qaran ee ciidamada Somaliland u darban yihiin.
Wasiirka wasaarada arimaha gudaha Somaliland Mudane, Maxamed Nuur Caraale (Duur) oo kormeer ku maray qaybaha dugsiga mandheera , ayaa sheegay in 364 Askari ee tababrka ku jira ka mid yihiin soo Askari oo cusub oo xukuumadu katala qaadatay inay u dhamastirto , dayerlkooda dieayokooda iyo hubkooda , isla markaana loogu talo galay inay ka qayb qaatan dardargilinta iyo dib u habaynta ciidamada Somaliland .
Waxaanu tilmaamay in xuliidii doonayo in booliska lagu kerdhiyo dhalinyaro aqoonyahano ah , oo loo tababaro hogaaminta iyo xaajinta ciidamada booliska , waxaanu ku ka dardaarmay inay u diyaar garoobaan difaaca dalka iyo sugida ammiga .
Waxa kale oo halkaasi ka hadlo ka jeediyey madaxa tababarada dugsiga Mandheera C.laahi Budul Ibraahin iyo Bashiir C.laahi Xasan oo ah madaxa madaxa mashruuca dibu habaynta booliska iyo masuulim kale.
SDN-Mandheera