Wasiirka Arrimaha Guddaha oo booqday goobo Al Shabaab ay dagaa ka soo qaadi jireen
Afgooye Dec 25 2012 (SDN)- C/xakiin Xuseen Guuleed Wasiirka Arrimaha gudaha iyo Ammniga Qaranka oo uu wehliyo Taliyaha Ciidanka Xooga Dalka C/qaadir Sheekh Cali Diini iyo Taliyaha Hay’adda Nabad Sugida Qaranka Axmed Macalin Fiqi ayaa waxa ay maanta booqdeen goobo larumeysanaa in Al Shabaab ay weeraro kaga soo qaadijireen Ciidamada dowlada ee isticmaala wadada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye.
Mas’uuliyiintan oo markii hore booqday degmada Afgooye ayaa waxa ay uga sii gudbeen deegaan lagu Magacaabo Saqiira oo la sheegay in Al Shabaab ay weeraro ka soo qaadi jireen.
Deegaanka Wasiirka iyo wafidga ay hogaaminayeen ay gaareen ayaa waxaa ku suganaa Ciidamada xooga dalka oo Amaanka siweyn u xaqiijinayay waxaana halkaasi ku soo dhaweeyay Abaanduulaha Ciidamada Xooga Ganaraal Cabdi Kariin Yusuf Dhagabadan.
Abaanduulaha ayaa Wasiirka, Taliyaha Ciidamada Xooga iyo Taliyaha Hay’adda Nabad Sugida uga warbixiyay xaalada deegaanka Saqiira, waxaana uu sheegay in Ciidamada dowladda Soomaaliya ay ka sareen Shabaab deegaankaasi.
Dhagabadan ayaa uga mahadceliay ciidanka qalabka sida sida caaboon ay ay u wajahayaan sifeynta Al Shabaab sida uu hadlka u dhigay waxana uu ku amaanay howlgalada aan joogsiga leyn ay ka wadaan gobolada dalka.
Sodaalka Wasiirka Amniga ayaa waxa uu qeyb ka yahay kormeer uu ku tagayay maalmihii danbe fariisimayaasha ciidamada ay ku leeyihiin Magaalada Muqdisho iyo gobolka Sh/hoose.
SDN-Afgooye