|

Wasiirka Arrimaha Gudaha”Hadii Aad Ku Hanjabtaan Nabad Gelyada Ayaanu Wax U Dhimayaa Hada Cidi Idin Dooranmayso Ee Dadka Waxaad U Qaban Doontaan U Sheega “

Hargeysa 22-11-2012-(SDN) Wasiirka wasaarada arrimaha gudaha iyo amniga somaliland ayaa ugu baaqaay Ururada iyo Xusbiyada tartamayaa in ay ilaaliyaan nabad gelyada islamarkaan fiirin culus oo dignin huwan ugu diray in nabad gelyada la dhowro

“Waxaan Axsaabta leeyahay Ummadda carab wanaagsan codadka kaga doona. Waxaad kaga doontaan waxaas iyo waxan ayaanu idiin qabanaynaa,”ayuu yidhi Wasiirka Arrimaha gudaha oo maanta ka hadlayay shir uu xarunta wasaaradda Daakhiliga kula Yeeshay maamulka Gobolka Maroodi-jeex, ka degmada iyo Gudiyada nabad-gelyada ee magaaladda Hargeysa.

“Nabadda Somaliland halka ay maanta joogtana waxay u baahan tahay ka ambo-qaad ayay u baahan tahay laakiin haddii aan ku hanjabo oo aan idhaahdo nabadda ayaan duminayaa, haddii la I dooran waayo, taasi ma suurtoobayso,”ayuu intaasi ku daray Wasiir Duur.

Wasiirka Daakhiligu waxa uu hadalkiisa intaasi ku sii ladhay “Markaa waxaan leeyahay Axsaabta siyaasadda dadweynaha nabad codkooda kaga doona. Waxaanu axsaabta kala shaqaynaynaa goobaha la iskugu yimaado (Fagaareyaasha), waxaana loo diyaarinayaa agabka ololaha doorashadda. Masuuliyiinta degmooyinkuna waxay xisbiyadda iyo ururadda u soo dhawaynayaan si isku mid ah.”

“Yaan shacbiga lagu gal-galan qofka soo baxdaana waa cida shacbigu soo doortaan. cid xukuumadi dooratay maaha, Urur xukuumadi wadato ma aha. Cidii shalay shacbigu doortay ayaa maanta xilka haysa,”ayuu hadalkiisii ku soo gunaanaday Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Md. Maxamed Nuur Caraalle (Duur).

Hadalkan ayaa Wasiirku jawaab dad badan u ahaa qaar ka mid ah masuuliyiinta xisbiyada iyo ururadda siayasadda oo ku dooday inay ka walaacsan yihiin in xukuumaddu ay boobto cod bixinta doorashada deegaanka ee dalka ka dhacaysa 28-ka Bish

www.Qurbejoog.com Hargeisa

 

Comments are closed