Wasiirka Arrimaha Gudaha Warancade oo Been abuur ku Tilmaamay Qoraalka Taliyaha Waaxdda Socdaalka Somalia soo Bandhigay DAAWO
Burco 01 Feb , 2016 (SDN/QJ):- Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliland Mudane Cali Maxamed Warancade ayaa Beeniyey Inuu Warqad u Qoray Somaliya Gaar ahaan laanta Socdaalka Somalia oo sheegtay inuu ka dalbaday in Xafiis lagu bixiyo Baasaboorka Somalia laga furo Magaaladda Hargaysa Waxaanu Wasiir Warancade ku dooday in been abuurka laga faafiyey uu ka danbeeyay Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamud.
Wasiir Cali Maxamed Warancade oo Qayb ka ah Weftiga Madaxweynaha ee Saaka ka ambo baxaya Magaaladda Burco ayaa mar uu xalay u Waramay Telefishanka HCTV Waxa uu Gebi ahaanba Meesha ka saaray Jiritaanka Warkaas.