Wasiirka Arrimaha Gudaha Somalia Oo Sheegay In Sirdoonkoodu Ka Warhayeen Weerarkii Dhimashada Badan keenay Ee Shabaabku Ku Qaadeen Buulo-burte
Muqdisho:22-March-2014(SDN)-Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somalia Cabdilaahi Goodax Barre, ayaa sheegay in Ciidanka Sirdoonku ay ka Warhayeen Weerarkii Buule-burte ka hor intii aanu dhicin.
Wasiir Goodax Oo u warramayey qaar ka mid ah warbaahinta, ayaa tilmaamay in Goonshaha Shirqoolkaasi uu sababay inay Yareeyaan Khasaarihii Goobta ay Kooxda Alshabaab ugu talo galeen inay ka Geystaan.
Wasiirka ayaa sheegay inay Warkaas markii ay Heleen ay u gudbiyeen Dhinaca Ciidanka Djibouti oo ahaa kuwii Khasaarahaasi ku dhacay.
“Sirdoonkeena xog fiican ayuu ka helay weerarkaas, khasaaraha intaas waa ka badnaan lahaa, waxaana dhimashada askarta keenay ma aheyn baabuurka isqarxiyey ee waxaa uu ahaa weerarka dambe ee ay soo qaadeen” ayuu sheegay wasiir Goodax.
Dhinaca kale, wasiirka oo hoggaaminayay wafdigii dowladda ee tagay magaalada Dhuusa-Mareeb ayaa sheegay in wadahadalo wanaagsan ay dhex-mareen iyaga iyo Ahlusunna, isagoo xusay in xubnihii Ahlusunna ee ay la soo kulmeen ay kala hadleen arrimo badan oo muhiim ah, isagoo beeniyay wararka sheegaya in khilaaf awgiis lagu kala dareeray wada hadalkooda.
Hadalkan ka soo Yeedhay wasiirka arrimaha Gudaha Somalia, ayaa ku soo Beegmaya xilli Kooxda Alshabaab ay Weerarkaas ay ku qaadeen Buuloburte ay ku dileen Saraakiil Iyo ciidan Tiro Badan oo Reer Djibouti, kuwaas oo shalay lagu Aasay Isla Djibouti.
S.D.N