Wasiirka Arrimaha Gudaha oo Warbixin ka siiyay Golaha Guurtida hawlaha nabadaynta ee Wasaaradiisu ku hawlan tahay
Hargaysa 28.Sep 2013 (SDN)- Golaha Guurtida Jamhuuriyada Somaliland ayaa fadhigoodii maanta oo uu shir gudoominayay gudoomiye ku xigeenka koowaad ee galaha guurtida md siciid jaamac cali ayaa waribxin ka dhagaysatay Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha j s l md Cali Maxamed Warancadde .
Wasiiirka Arimaha Gudaha waxa ku wehelinayay halkaasi taliyeyaasha ciidamada booliiska iyo ilaalada xeebaha waxaanu wasiirku halkaasi warbixin kaga siiyay mudanayaasha golaha waajibaadka wasaaraddda arimaha gudaha u hayso dalka,isagoo timaamay in wada shaqayn ay leeyihiin dhamaan wasaaradaha iyo hayadaha dawlada ee madaxa banaan.
Wasiirku waxa uu warbixintiisa ku sheegay in wasaaradu ay hawlantahay sidii kor loogu qaadi lahaa bilicada caasimada iyo guud ahaan magaalooyinka dalka , waxaanu xusay mar uu ka hadlayay amaanka dalka xaaladda ammmaan ee dalku ay xiligan hagaagsan tahay wasaaraduna ay wado qorshe maamul daadajineed oo la gaadhsiinayo gobalada dhinaca bari ee dalka.
Geesta kale mudnayaasha golaha guurtida ayaa cod gacan taag ah ku ansxiyay guddi hoosaad ka tirsan golaha guurtida oo tabarucaad ka gaysan doonta wadada isku xidhi doonta ceerigaabo iyo burco.
Hargaysa SDN.
Qurbejoog.com