|

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo Shaaciyay in Lacagta keliya ee laga Isticimaali karo Gobolka Sanaag ay tahay Sh.Somaliland

Hargaysa 29.Sep 2013 (SDN)- Wasiirka wasaarada Arrimaha Gudaha ee Somaliland Mudane Cali Maxamed Warancade oo maanta Shir jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa ayaa dadweynaha Gobolka Sanaag u jeediyay in lacagta keliya ee ka shaqayn karta Gobolkaasi ay tahay Shilling Somaliland .

Cali WarancadeeeWasiirka waxa uu Sheegay in Lacagta Shilling Somaliland oo dhawaan Si rasmi ah looga dhaqan geliyay gobolka Sanaag ay Sharci ahaan tahay Lacagta Qudha ee ka shaqaynaysa Gobolkaas,Waxaa kale oo uu hadalkiisa ku sheegay inay sharci daro tahay isticimaalka Lacagta Somalia in laga Isticimaalo Gobolka Sanaag.

Mudane Cali Maxamed Warancade waxa uu xusay in dhaqangalka Shilling Somaliland uu kor u qaadayo dhaqdhaqaaqa Ganacsiga iyo dhaqaalaha Gobolka .

Dhinaca kale Wasiirka Arrimaha Guduhu waxa uu sheegay in magaalada Ceerigaabo ay xaaladeeda nabadgalyo wanaagsan tahay isla markaana ay Saacadaha danbe ee habeenkii ay Ciidamada amaanku sameeyaan hawlgalo feejignaan ah oo lagaga hortagayo wax kastoo nabadgalyo daro keeni kara.

Hargaysa SDN.

Qurbejoog.com

Comments are closed