|

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo Kormeer Shaqo ku Jooga Magaalada Berbera

Berbera 13.July (SDN) Wasiirka wasaaradda Arimaha Gudaha ee Dalkan JSL Md cali maxamed warancadde ayaa maanta socdaal shaqo ku tegay xarunta Gobolka Saaxil ee Berbera.

Wasiirka oo socdaalkiisa uu ku weheliyo wasiirkuxigeenka arimaha ammaanka ee wasaaradaasi Cabdilaahi Abokor Cismaan ayaa kormeerkiisu waxa uu saameeyey qaar ka tirsan xarumaha hay’adaha dawladda ee Gobolkaasi ku yaalla sida Dekedda Berbera,  saldhigyada Ciidamada Booliska iyo saldhiga Ciidanka ilaalada xeebaha ee magaalo xeebeedkaasi.

Md warancadde waxa intii uu ku gudo jiray indho-indhayntisa uu warbixino kaga dhegaystay taliyayaasha ciidamada iyo mas’uuliyiinta kale ee ku sugnaa xarumaha uu booqday iyagoo u so gudbiyey halka ay marayaan hawlaha qaran ee ay u xilsaaran yihiin iyo baahiyaha ka jira ha’yadahaasi.

Wasiirka oo sidoo kale u kuurgalay mashaariicda ay Dawladda hoose ka waddo magaalada Berbera iyo Cisbitaalka dhexe ayaa ugu baaqay ciidamada ammaanka inay sii labanlabaan feejignaantooda iyo adkaynta ammaanka bulshada .

Berbera SDN.

Qurbejoog.com

Comments are closed