|

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo Kormeer ku tagay dugsiga Mandheera,Mar kalena ka hadlay Amaanka Somaliland.

Hargaysa 11.Feb (SDN)   Wasiirka wasaaradda Arimaha Gudaha ee Somaliland Md Maxamed Nuur Caraale (Duur) oo uu wehelinayeen Taliyayaasha Ciidamada Booliska iyo Ilaalada Xeebaha ayaa maanta kormeer ugu tegay Dufacadii 26-aad   ee ciidanka Booliska oo tababar uga socdo Dugsiga tababarka Ciidamada ee Mandheera.

Taliyaha Ciidamada Booliska Somaliland sareeye Guuto Cabdilaahi Fadal iimaan oo ka hadlay kulan ay mas’uuliyiintu la yeesheen Ciidamada tababarada ku jira ayaa waxa uu ka war bixiyey Dufcadda lix iyo labaatanaad ee Ciidamada booliska oo u badan hablo uu ku sheegay in hadda ka bacdi loogu yeedhi doono Dufcaddii AYAAN maadaama buu yidhi taliyuhu ay ku soo beegmeen derejo bixintii iyo xaqsiintii Ciidamada Somaliland.

Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha Somaliland Md Maxamed Nuur carraale (Duur) oo munaasabadaas ka hadlay ayaa sheegay inay kormeerkoodan u isticmaalayaan si ay hawsha adag ee tababarka ula qaybsadaan ciidanka la tababarayo iyo tababarayaashaba.

Md Duur oo ka hadlayey dhinaca ammaanka Somaliland ayaa tilmaamay in hadalkii ka soo yeedhay Boqortooyada Ingiriisku uu ku sababay dadka hadalhayn balaadhan laakiin Somaliland ay u caddahay adkaynta amnigeeda iyo xasiloonida ay ku naaloonayso isla markaana ay sii wadayso horumarinta kaabayaasha amniga sida ciidamo tababaran oo Boolis ah o ay u dhantahay xuquuqdoodu.

Hargaysa SND.

Comments are closed