Wasiirka arrimaha Gudaha Md.Warancade waa boog ku taal qaranka.
Waxa la yaab leh wasiirka arrimaha gudaha Md.Warancade dalka uu wasiirka ka yahay ma Somaliyaa mise waa Somaliland.Waa yaabe talaabooyinka sida cadceeda u cad ee uu ka wado dalkan JSL waxay muujinayaan xidhiidh dahsoon inuu la leeyahay xukuumada federaalka Somaliya.
Sida ku cad dastuurka dalkan JSL waa dal madaxbanaan oo gaar u taagan,sida ku cad xeerka ajaanibka,dalkan JSL waxa uu xaq u leeyahay cid kasta oo ajaanib ah soona galaya dalka inuu hubiyo sharciga uu sito,lana baadho inuu ka madhanyahay hub oo dhan.Ha ahaato waxlaha qarxa ama hub caadiya.Marka qofka ajnabiga ah ee dalka soo galaya intaa laga hubiyo,watana fiiso ama goobtaba loogaga dhufto oo weliba ciidamada ku shaqada lahi hawshaa gutaan ayuu dalka dhex mushaaxi karaa inta uu hawlahiisa ka fushanaayo.Waxa kale oo jira ajaanib iyagu muddo gaaban oo saacado ah ku hakanaya madaarada(Transit) una baah-nayn visa,waxa soo raaco ajaanib ka yimaada dalalka aynu jaarka nahay oo u gudbaaya dal kale oo aynu jaar nahay,kuwani waxay u baahan-yihiin visa ay dalka ku dhex maraan oo muddaysan(Transit visa).
Bishii march 23dii waxa lagu qabtay gabiley iyo wajaale dhexdooda 2ba baabuur oo kala ah indha-cade iyo surf.Waxa qabtay ciidamada boliska ee gobolka Gabiley.Markii la waraystay raggii watay waxa la ogaaday inay ka yimaadeen dalka Somaliya,magaalada Garawe balse ay ka tirsan-yahiin ciidamada sirdoonka ee etoobiya.Baabuurta waxa ku xidhnaa looxada nambarada ee Somaliya(Somalia Blade Numbers).Markii la baadhay waxa bolisku cadeeyay raggaasi inaanay wax sharci ah oo ay ku dhex maraan dalkan jamhuuriyada Somaliland aanay sidan.Kadib waxa loo soo dhaadhaciyay caasimada dalka,hargeysa.
Intaa kadib waxa dhacay wasiirka arrimaha gudahu inuu amar ku sii daayay,una dhoofeen dalkoodii etoobiya.Halkaas ayay ka soo ashkatoodeen oo ay ku andacoodeen sidee naloogu xidhi karaa jamhuuriyada Somaliland,loona akhriyaa qoraalkii sirta ahaa ee Somaliya ay ka soo qornay!!!!
Markii dacwadaasi soo gaadhay wasiirka arrimaha gudaha ee jsl talaabada uu qaaday waxay ahayd inuu xidho dhamaan cidii nimankaa sirdoonka etoobiya ka tirsanaa ee sharci darrada dalka iskaga dhex maraayay joojisay ee xidhay.Wasiir Warancade waxa uu xidhay Taliye ku-xigeenka ciidanka booliiska ee gobolka Gabiley Md.Bashe,isu-duwaha wasaarada beeraha ee gobolka Gabiley Md.C/rasaaq sh.Muxumed,isu-duwaha w.waxbarashadda Md.Cali iyo Wadahii mayor-ka Gabiley.Talaabadan oo ay shacabka Jamhuuriyada Somaliland ay dhakafaar ka qaadeen,kana biyo diideen in muwaadin fulinaayay hawl qaran hadana iyagii jeelka la dhigo.
Wasiir Warancade waxa uu muujiyay,cadaystayna inuu dal kale u adeegayo,waa qalad,waana arrin ku lid ah jiritaanka Jamhuuriyada Somaliland.Xadhigga uu kula kacay muwaadiniyiinta waa xaq darro,waa sharci darro.Markaa waa inuu wasiirku ummada u cadeeyaa sababta ku kelifay inuu u xidho taliye kuxigeenka booliska ee gobolka Gabiley iyo raga kale ee uu la xidhay halka gacan ku siinayo ajaanib dalka sharci darro ku dhex maraayay.
Muwaadiniyiinta uu wasiirku xidhay waxay xaq u leeyihiin in darajadooda kor loo qaado,lana siiyo abaal gud.Waxay guteen xil qaranimo oo ah hawlahii loo igmaday.
Waxa aan wasiirka ugu baaqayaa inuu si dhakhsaa isu casilo,masuuliyiinta uu xidhayna si dhakhsaa xorriyadooda ugu soo celiyo.Dalkan jamhuuriyada Somaliland kama tirsana Somaliya iyo etoobiya midnaba markaa waa inuu wasiirku si dhakhsaa isu casilaa ilayn waxuu ku kacay talaabo qaran dumis ahe.Waxay ahayd wasiir Warancade dalka difaaco,maaha masuuliyiinta qabtay sirdoonka sharci darrada dalka ku maraayay inuu iyagii xabsiga dhigo ama guryahooda ku xidho.Waa fajac iyo amakaak aan ka dhicin dal madaxbanaan inay ciidan sirdoon ah oo ajaanib ahi dal kale iska dhex maraan iyagoon sidan wax sharci ah.
Wasiir Warancade waa boog ku taala Qaranka jamhuuriyada Somaliland hadii aan dhakhso looga qabana boogtaasi shacabka ayay wada gaadhi doontaa.
Xuseen Xasan Badmaax
Human Rights Secratery
UCID
Hargeysa/JSL