Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Somaliland oo Si rasmi ah Maanta u gudo galay Xal u helida Xaalada Degmada Saylac
Hargaysa,15Jan.( SDN)
Wasiirka Arimaha gudaha JSL Mudane maxamed nuur caraale duur ayaa maanta guda galay xalinta khilaafka ka dhashay doorashadii golaha deegaanka ee degmada Saylac,oo uu Socdaal Shaqo ku jooga isaga iyo Wefti uu hogaaminayo.
Wasiirka arrimaha Gudaha oo uu weheliyo Lataliyaha Madaxweynaha ee Dhinaca Doorashaooyinka iyo axsaabta qaranka Maxamed Muuse Abees Mas’uuliyiin kale waxay kulan la yeesheen beeshii cabashada ka qabtay dhismaha Maamulka Golaha Deegaanka ee Degmada Saylac.
Kulankaas oo lagu qabtay xarunta maamulka gobolka ayaa waxaa ka soo qayb galay xildhibaano ka kala socda Golayaasha Guurtida iyo Wakiilada Siyaasiyiin, wax garad, cuqaal iyo oday dhameedyo ka soo jeeda Beesha degta Gobolka Salal.
Sidoo kale waxaa shirkan goob joog ka ahaa Gudoomiyaha Gobolka Salal Nuur Cismaan Guuleed.
Kulankaas oo gogol xaadh u ah raadinta xal rasmiya oo laga gaadho shaqaaqooyinkii dhawaanta ka dhacay deegaanka Degmada Saylac, ayaa waxaa ugu horayn ka hadlay Gudoomiyaha Gobolka Salal Nuur Cismaan Guuleed waxaanu ku soo dhaweeyay Wasiirka Socdaalka uu ku yimid Gobolka Salal,isagoo hoosta ka Xariiqay inay caaqil iyo ciroole, salaadiin iyo siyaasiyiiba ay diyaar u yihiin Xal kasta oo lagu furdaamiyo Xanafta ka dhalatay doorashadii Golayaasha Deegaanka .
Sidoo kale wasiirka Arimaha Gudaha S/land Maxamed Nuur Caraale Duur oo madashaasi ka hadlay ayaa tilmaamay sida ay waajibka u tahay sidii xal nabadgalyo loogu soo dabaali lahaa khilaafka ka dhex dhashay labada beeleed ee Walaalaha ah ee wada dega isagoo intaas ku daray inaanay Gobolka Salal ka tagayn ilaa ay dhamaystiraan Cabashada dhex taala Magaalada Saylac.
Intaa ka dib Beesha Ciise iyo Wasiirka Arrimaha Guduhu waxay galeen kulan ay albaabadu u xidhan yihiin ,oo ay Saxaafadu dibada ka joogto,Warku wuxuu intaas ku darayaa in Xaalada Guud ee Magaalada Saylac ayaa aad u degan, ka dib todobaadyadii la soo dhaafay oo uu Muran Cakirani ka dhex taagnaa.
Hargaysa SDN