|

Wasiirka Arrimaha Dibaddu Ma deegaan Qudha Ayuu Metelaa? Dhimashada Dadka deegaanada Kale Ee Somaliland Ma Kuwo Isaga Aan Khuseynbaa?

 

Wasiirka Arrimaha Dibaddu Ma deegaan Qudha Ayuu Metelaa? Dhimashada Dadka deegaanada Kale Ee Somaliland Ma Kuwo Isaga Aan Khuseynbaa?

Xilka qaranku maaha mid cid gaara loogu adeego ama loogu damqado, loogu hadlo, waa mid ummada oo dhan u dhexeeya, waa in masuuliyiinta xilalka qaranka loo dhiibaa ay la yimadaan dhaqan iyo wax qabad ummada u dhex ah oo ay kawaantoobaan kana koraan dhaqamada hoose ee jifo u adeega ama u hadalka ku kooban.

 Dhibka reer-guuraageena iyo xoolahoodaba haystaa waa mid aad u badan oo mudo aan yarayn soo taxnaa, sida aynu wada ognahayna taariikhdu waxa ay xusaysaa dilal iyo dhac farabadani in uu ka dhici jiray jiidaha Howdka dhulkaas oo ay ku dhaqnayeen mushtamaceena intiisa badani qaybo ka midi.

Hadii aynu si yara qooraansano wakhtiyadaas iyo waayahii jiray markaa waxa aynu odhankaraa waxa ayahayeen kuwo aynu odhan karo tacadi iyo dhib kabadan oo meel kale ka dhacday ma jirto waayo? Ilaa intii taariikhda reer somaliland jirtay dagaaloculculus ayaa ka socday howdka oo uu soo hubaynayey kali taliyihii Siad Bare, isagoo hiil qaawan iyo dadaal muuqda ugu garangaraya beesha Daarood ee degta Ethiopia, gaar ahaan ogaadeen waxa joogto ahaa dagaalo hubaysan jiida Awaare, Yoocaale, iyo Dhulal kale oo Bariga ah oo ku beegan koonfurta Gaashaamo bari oo ay beelaha reer somaliland qaybokamidi degaan.

Wakhtiyadaa hore waxa ka danbeeyey dagaalo iyo tacadiyo weliilaahada lagu hayo oo aanay maalin qudha kahadal xukuumada somaliland waana wax aad loolayaabo in ay maanta ka hadasho shaqaaqada Harshin iyo dhulka kudhowdhow ka curatay, waan ka xumay shakhsi ahaan in ummada reer somaliland ee ku dhaqan deegaamada Ethiopia, ay tacadi iyo dil ay lakulmaan runtiina maaha wax la eegto,balse miyaanay nusqaan ku ahayn masuuliyiinta reer somaliland in ay deegaamada reer somaliland kala xigsadaan dhibkooduna aanu u sinayn, oo qaarna u ooyaan qaarna aanay dareemin ba? Masuulka Wasaarada Arrimaha dibadu muxuu uga damqan waayey deegamada kale ee dadkiisu ku dhaqanyiin ee shalay isla budhcadaa hubaysani dilkaiyoboobka ku haysay welina ku hayaan? Miyaan xilka uu sidaa ahayn mid qaran mise isaga waxa ay la tahay in reer iyo jifo gaara u adeegayo dadkakalena aanay ahayn dad uu xilkan uu sidaa khuseeyo?.

Runtii waa dhaqan aan hore loogu arag somaliland in masuul qaran  uu jifo qudha u hadlo una damqado isagoo iska indho tiraya dhibka ummada xilkauu u sido ee ku dhaqan deegaamada kale. Waxa aan kulatalin lahaa wasiirada iyo hogaanka sare ee JSL, gaar ahaan wasiirka arrimaha dibada JSL in ay yeeshaan han sare iyo dareen guud oo ay ummada ugu adeegaan siday u dhantayna u ah dhex oon kaladhaweysaneynin.

 

Maxamed-Amiin Dahir Caynaanshe

Comments are closed