|

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo la kulmay Sii-hayaha Safaaradda Qatar ee Soomaaliya

Mogadishu, July 20, 2014 Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga H.E. Dr. Abdirahman Dualeh Beileh ayaa maanta ku qaabilay Xafiiskiisa Siihayaha cusub Safaaradda Qatar ee Soomaaliya Eng. Hassan Hamza .

Kulan gaar ah ayey wada yeesheen Wasiirka iyo Siihayaha Safaaradda Qatar ee Soomaaliya , iyadoo fadhigaasi looga hadlay xiriirka taariikhiga ah ee labada dal ka dhaxeeya ,Xoojinta,horumarinta iskaashiga dhinacyada badan leh , dib u furidda safaaradda cusub ee Dowladda Qatar ay ku yeelaneyso Caasimadda Muqdisho iyo qodobo kale.

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga H.E. Dr. Abdirahman Dualeh Beileh ayaa u rajeeyay Siihayaha Safaaradda Qatar ee Soomaaliya Eng. Hassan Hamza  guul iyo xil gudasho ammaan leh .

Waxaa xusid mudan , in Soomaaliya xiriir saaxiibtinimo oo aad u qoto-dheer ay la leedahay Xukuumadda iyo Shacabka Qatar  oo soo taxanaa muddo dheer.

Dowladda Qatar ayaa lagu tiriyaa inay ka mid tahay dowladaha taageera Soomaaliya , waxa ayna caawinaad iyo kaalmo bani’aadanimo xilliyo kala duwan ugu deeqday qoysas saameeyay abaaro oo ku kala nool deegaano ka kala tirsan gobolada waqooyi iyo koonfur ee dalka Soomaaliya , iyadoo  gargaarkaasi  bani’aadanimo ay fuliyeen hey’adaheeda samafal ee ka howlgala dalka.

SDN/QJ-Muqdisho

contact@qurbejoog.com

Comments are closed