|

Wasiirka Arrimaha Dibada Somalia oo Gaadhay Tunisia

Tunisia 27.April 2014 (SDN/QJ)- Wasiirka arrimaha dibadda dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, Cabdiraxmaan Ducaale Beyle iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Tunis ee caasimadda dalka Tunisia.

Bayle tuuniisWasiirka arrimaga dibadda dalka Tunisiya, Mongi Hamdi ayaa soo dhoweeyay wafdiga ka socda dowladda Soomaaliya oo uu ka mid yahay wasiirka maaliyadda Xuseen Cabdi Xalane.

Wafdiga ayaa Isniinta berri ah la kulmi doona madaxweynaha bangiga horumarinta Africa, Donald Kaberuka oo ay kala hadli doonaan baahida dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ay u qabto sidii ay ku heli laheyd ballan-qaadyada dhaqaale iyo mashaariic ku qotoma dib-u-dhiska Soomaaliya.

Wasiirro ka tirsan dowladda Tunisia ayay sidoo kale la kulmi doonaan wafdigan inta ay ku sugan yihiin Tunis, waxeyna kala hadli doonaan sidii Tunisia maal-geshi uga sameyn laheyd Soomaaliya.

Tunisia SDN/QJ.

contact@qurbejoog.com

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed