|

Wasiirka Arrimaha Dibada oo Hor tagay Golaha Wakiilada kana Warbixiyay Siyaasada Wasaaradiisa

Hargaysa 16.June (SDN) Fadhigii Maanta Ee Golaha Wakiilada oo uu shir-gudoominayey Gudoomiyaha Golahaas Md. C/raxmaan Maxamed C/laahi (C/raxmaan Cirro),ayaa warbixin ka dhagaystay Wasiirka Wasaarada Arrimaha Debada Dr. Maxamed C/laahi Cumar, oo mudanayaasha faah faahin ka siiyay   Hawlaha ay wasaaradiisu uga masuulka tahay qaranka.

Wasiirku waxa uu Golaha warbixin ka siiyay socdaaladii u dambeeyay ee madaxweyna Somaliland md. Axmed Maxamed Maxamuud hogaaminayay ee wefdiyada ka socday Dawlada Somaaliland ku tageen dalalka  imaaraadka carabta, Turkiga , maraykanka, Britain, iyo itoobiya kuwaas oo uu sheegay in ay la xidhiidheen horumarinta siyaasada arimaha debada ee Dalka iyo Horomarintiis.

Wasiirku waxa uu golaha uga xogwaramay go’aankii dhawaanta ay xukuumada Somaliland ka qaadatay xafiska siyaasada ee qaramada midoobay ee (UNSOM ) kaas oo uu sheegay in xafiiskani u adeegayo dib u dhiska Dalka  Somalia taas oo uu wasiirku  ku tilmaamay  mid ka hor imanayso madaxbanaaida Somaliland ,wasiirku waxa uu intaa ku daray in ay u cadeeyeen ergayga qaramada midoobay NICHOLAS KAY in Somaliland la shaqaynayso hay’daha qaramada midoobay  ee dhinaca horumarinta  oo ay horeba wada shaqayn wanaagsani ka dhaxaysay.

Waxa kale oo uu wasiirku warbixintaas ku xusay go’aankii xukuumada somaliland hore uga qaadatay duulimaadyada dayuuradaha Qaramada midoobay kaas oouu sheegay in uu weli taaganyahay, waxaana uu tilmaamay in ay ergayga Qaramada midoobay ee Somaliland iyo somaliya ku wargeliyeen in xayiraadaas ay ka reebanyihiin Duulimaadyada Somaliland usida agabka horumarinta la xidhiidha.

Gebagabadii kulankaas waxa mudanayaashu wasiirka ku weydiiyeen  su’aalo kala duwan  hawlaha wasaaradiisa, halkaas oo wasiirku jawaabo waafiya kaga  bixiyay.

Hargaysa SDN.

Qurbejoog.com

 

Comments are closed