|

Wasiirka Arrimaha Dibada ee Somaliland oo Ka Hadlay Safarkii Sheffield

Hargaysa 08.April 2014 (SDN)- Wasiirka Arrimaha Dibada ee Somaliland Maxamed Biixi Yoonis ayaa sheegay in uu waddo Qorshe uu Dib u eegis ku sameynayo Safiirada kala Duwan ee Somaliland u qaabilsan Qaar ka mid ah Dalalka Caalamka, waxaanu sheegay in uu muddo dheer darsayey Safiirada Shaqeeya iyo kuwa aan shaqeyn, isla markaan Go’aan Degdeg ah uu ka soo saari doono.

Wasiirka arrimaha dibada golahaWaxa kale oo uu ka hadlay Safarkii uu ku tagay Magaalada Sheffield ee dalka Ingiriiska oo uu ka qaybgalay Munaasibadii golaha deeganka ee Magaaladaasi uu ku  aqoonsanayey Somaliland, waxa kale  oo uu ka hadlay Ciidamo gaar u ah Hay’adaha Shidaalka ka Baadhaya Somaliland  oo dhawaan la hawl galin doono.

Sidaasi waxa uu ku sheegay mar uu shalay Warbaahinta Ugu warameyey Qolka Nasashada ee Madaarka Cigaal ee Hargeysa.

Wasiirka Arrimaha Dibada oo ka hadlayey  Safarkiisii Sheffeild ee Golaha Deegankaasi Somaliland Ictiraafeen waxa uu yidhi.“Waxaan ka Qayb galay Xafladii Wayneyd ee Golaha Deeganka Sheffield ku Aqoonsanayey Somaliland iyo Xafladii ay Sameeyeen Jaaliyadda reer Somaliland ee halkaasi degen, runtii Ictiraafka layna siiyey wuxuu ku saabsanaa Horumarka aynu gaadhnay, Sidda  Dimuqraadiyada dalkeena ka jirta Nabad gelyada, Doorashooyinka aynu qabano, iyo inaga oo muddo 23 sanno ah Gaar u taagneyn, markii ay arrimahaasi oo dhan ay fiiriyeen golaha deegaanka Sheffeild ayaa ay Somaliland  aqoonsadeen, runtii waa Bilaw waana jidkii ugu horeeyey ee Aqoonsiga guud ee Somaliland, waxanuna Filaynaa in magaalooyin kale oo Ingiriiska ah ay ina Ictiraafaan, isla markaana golayaasha deeganka  ka gudbi doono una Gudbi doono Ictiraafkeenu dawaldaha Waaweyn. “Ayuu yidhi.

Mar uu ka hadlayey Warar sheegaya in aanay Mideysneyn Jaaliyada reer Somaliland ee Sheffeild ayaa waxa uu yidhi. “Runtii Jaaliyaduhu way soo dhaweeyeen Ictiraafkaasi, waayo Marka Arrinka Qaranimada laga hadlayo mid ayey ka noqdaan.”Ayuu yidhi.

Kadib Markii uu Wasiirku dhameystay Shirkii Jaraa’id ayaa waxa Su’aalo waydiiyey Warbaahinta, ugu horeyna waxa la weydiiyey warar ay warbaahintu qoreysay oo sheegaya in Lacag uu Madaxweynuhu waftiga Sheffeild tagey u dhiibay oo loogu tallo galay Agaasinka hawshaasi uu wasiirka Macdantu Cunay waxaanu yidhi. “Walaahi Anigu lacagtaasi war uma hayo uma malaynayo in uu  safiirkuna war u hayo, laakiin marka aanu soo ogaano ayaanu war idinku soo celin doonaa.”Ayuu yidhi.

Mar wasiirka la waydiiyey in Siyaasiyiinta wasaarada arrimaha dibada dhaliila ay yidhaahdaan Wasiirku wuu ka gaabiyey in uu wax ka badalo Safiirada Somaliland u qaabilsan caalamka ayaa waxa uu yidhi “Dabcan taasi anigay i Khuseysaa, oo siyaasiyiinta hadalada meelahaasi ka leh ma khusayso, Meeshan anigaa wasiirka Arrimaha Dibada ka ah, hasa yeeshee sidaad la socoto dabcan marka uu qof masuul ahi jago qabto wuxuu u baahan yahay in wakhti la siiyo, in uu darso in uu fahmo, iyo in uu arko hawlaha laga qabtay wasaarada iyo safaaradaha Dibada, oo la eego tii loo bahan yahay iyo tii aan loo baahnayn qorshaheedii ayaan wadaa, insha Allaah wakhtiga ugu haboon ayaan ku dhawaaqi doonaa wixii aan u baahdo in laga badalo.”Ayuu yidhi

Hargaysa SDN.

Qurbejoog@gmail.com

Comments are closed