Wasiirka Arrimaha Dibada ee Somalia oo Xafiiskiisa ku Qaabilay Wefti ka Socday Qaramada Midoobay,iyo Xafiiskii Maamulka Hawada oo Muqdisho laga furayo
Muqdisho 12.Feb 2014 (SDN)- Wasiirka arrimaha dibadda iyo iskaashigga caalamiga ah ee xukuumadda Soomaaliya, Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa maanta xafiiskiisa magaalada Muqdisho ku qaabilay wafdi ka socday hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha bini’aadanimada ee UN-OCHA.
Wafdiga oo ka koobnaa dhowr iyo toban qof oo ka yimid dalka Mareykana ayaa waxaa hoggaaminayay Agaasimaha, ahna Xiriiriyaha Waaxda Falcelinta (CRD) John Ging, iyadoo uu socdaalka ku wehliyay Philippe Lazzarini oo ah isku duwaha arrimaha bini’aadannimo ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya.
Wasiirka arrimaha dibadda iyo iskaashigga caalamiga ah ee Soomaaliya, Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa sheegay in wafdiga ay Soomaaliya u yimaadeen sidii ay u indho-indheyn lahaayeen xaaladda dalka iyo Soomaalida gargaarka u baahan, sidii loo xoojin lahaa yaboohii Brussels iyo qorshaha wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya ee dib u celinta qaxootiga ku nool dalka Kenya.
Dhinaca kale, wasiirka arrimaha dibadda ee xukuumadda Soomaaliya ayaa soo hadal-qaaday dhibaatooyinka dhallinyarada Soomaaliyeed ku haysta waddammada qurbaha, isagoo ballan-qaaday in wasaaradda ay wax u qaban doonto.
Geesta kale Wasaaradda gaadiidka iyo duulista hawada ee xukuumadda federalka ah ee Soomaaliya ayaa sheegtay in dhowaan Muqdisho laga furayo xafiiska maamulka hawada Soomaaliya.
Wasiirka wasaaradda, Siciid Maxamed Jaamac Qoorsheel oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa sheegay in madaxda hay’adda caalamiga ah ee duullimaadyada ay isku afgarteen in la howlgaliyo xafiiska maamulka hawada Soomaaliya, lagana furo Muqdisho.
Wasiirka ayaa tilmaamay in maamulka hawada Soomaaliya uu si rasmi ah ugu soo wareegayo dowladda billowga sannadka dambe, isla markaana loo tababarayo howlwadeenno Soomaaliyeed oo ka shaqeeya.
Qaramada Midoobay ayaa magaalada Nairobi ka maamuleysay hawada Soomaaliya tan iyo burburkii dowladdii dhexe ee Soomaaliya.
Dhinaca kale, wasaaradda gaadiidka iyo duulista hawada Soomaaliya ayaa maanta billowday dib-u-dhiska garaashkii farsamada iyo dayactirka gaadiidka dowladda ee magaalada Muqdisho.
Muqdisho SDN.
Qurbejoog.com