Wasiirka Arrimaha Dibada ee Somalia oo La Kulantay Dhigeeda Waddanka Kuwait
Kuwait 16.Nov 2013 (SDN)- Raysul wasaare ku-xigeen, ahna wasiirka arrimaha dibedda iyo iskaashiga caalamiga ah ee xukuumadda Soomaaliya Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan ayaa magaalada Kuwait kula kulantay dhiggeeda dalkaas Sheekh Sabah Khaled Al-Hamad Al-Sabah.
Fowsiyo ayaa dalka Kuwait uga qeyb galaysa shirka wasiirradda arrimaha dibadda ee dalalka Carabta iyo Afrika ee loogu gogol-xaarayo shir-madaxeedka ay 19-ka ilaa 20-ka bishan Kuwait ku yeelanayaan hoggaamiyeyaasha Carabta iyo kuwa Afrika oo looga hadlayo maalgashiga.
Labada mas’uul ayaa kulankii ay yeesheen waxay uga wada-hadleen xiriirka iyo danaha labada dal.
Sheikh Sabah ayaa sheegay in dowladda iyo shacabka Kuwait ay taageero la garab taagan yihiin Soomaaliya, sida ay qortay wakaaladda wararka dalka Kuwait ee KUNA.
Kuwait SDN.