|

Wasiirka arrimaha debada Somaliland haddii uu wax kale arki waayay ma wuxuu arki waayay calanka Somalia ee shirka sudhan ,Ibraahin Mahdi Buubaa {DHAGAYSO

Hargaysa 01,June (SDN) Afhayeenka  Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI Xildhibaan Ibraahin Mahdi Buubaa ayaa Sheegay inay Ayaan daro tahay inuu Wasiirka Arrimaha Dibada Somaliland  loo igmaday inuu  ku andacoodo inuu ka qayb galay shir ay soo abaabushay Hay’ad fadhigeedu yahay UAE, oo uu dabo fadhiisto wufuudii gobolada iyo calankii Somalia, isagoo u muuqday gobol ka mid ah Somalia. Meel adag iska taagay Shirkii uu lagaga hadlayay Maalgelinta iyo Dib u dhiska  Somaliland iyo Somalia,Kaas oo ay ku Tilmaameen mid Lagu Minjo Xaabinayo Qaranimada Somaliland.

Afhayeenka Xisbiga WADDANI Waxa uu hadalkan ka Sheegay Mar ay Maanta Warbaahinta ugu Waramayeen Xaruntooda iyagoo si adag u dhaliilay Siyaasada Xukuumada Madaxweyne Axmed Siilaanyo ee Arrimaha Dibada Waxaa kale oo uu faah faahiyay Sida ay u arkaan Shirkii Maalgalinta iyo Dib u dhiska Somalia iyo Somaliland ee lagu qabtay Magaalada Nayrobi oo uu ku Sheegay inuu Mijo Xaabin ku ahaa  Qaranimada Somaliland.
[peckplayer id=”1″ sound=”http://www.qurbejoog.com/waraysiyo/WADANI01(1).mp3″]
Hargaysa SDN.

Qurbejoog.com

Comments are closed