|

Wasiirka Arimaha Dibadu muxuu ka yidhi Aqoonsigii Golaha Deegaanka maagalada Sheffield?

London,04,Apr.2014-(SDN)-asiirka Wasaaradda arimaha Dibadda Jsl,ayaa markii ugu horaysay ka hadlay Aragtidiisa aqoonsigii ay siiyeen Golaha Deegaanka Magaaladda Shefield ee waddanka Uk.waxaana uu Wasiirku rajo fiican ka muujiyay inay talaabadaa ay qaadeen Golahaasi wax weyn kla tari doonto inay Golayaal iyo dad kaleba ay ku dhiiradaan inay Somaliland u aqoonsadaan dal xor ah oo ka madax-banaan waxii laysku odhan jiray Somalia.war kooban oo Wasiirku soo dhigay baraha Xidhiidhka Bulshadda,ayaa uu sidoo kale si weyn ugu mahadnaqay Golahaasi oo uu sheegay inay tahay talaabo wax ku ool ah.waxaana uu hadalkii Wasiirku u dhignaa sida tan: “Guulaha iyo Aqoonsiga Somaliland Wuxu Noqon Doonaa Is Daba Joog” waxaana uu Wasiirku aad ugu mahad naqay Jaaliyadda reer Somaliland ee Magaaladda Sheffield “Aadban ugu Mahad Naqaya Dhamaan Jaaliyadda Somaliland ee Sheffield”.
London,SDN.
Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed