Wasiirka Arimaha Dibada Somaliland oo ka qeybgalay shir looga hadlayay Ganacsiga iyo Fadeexada ka dhalatay wasiirka oo iska saaray Calanka Somaliland mudadii Shirku Socday(SAWIRO)
Kenya 29May13 (SDN) Wasiirka Arimaha Dibada Somaliland Dr Maxamed Cabdilaahi Cumar oo ka qayb galayey shir looga hadlayey ganacsiga Somaliya ayaa waxa murugo ku noqatay jaaliyada Somaliland ee ku dhaqan Nairobi in wasiirku uu biladii Calanka Somaliland iska saray iyada oo madaxdii Soomaaliya ay u suran yihiin calankoodii.
Wasiirka waxa Shirka kala qeyb galay Safiirka Somaliland u fadhiya Kenya Maxamed Cabdulaahi Jaamac Sifir oo isna aan suran astaanta somaliland oo meesha gebi ahaanba ka maqnayd.
Shir kan oo looga hadlayey ganacsiga Soomaaliya ayaa dhamaan waxa ka muqday astaanta calanka soomaaliya.
Wasiirka arrimaha Dibedda Somaliland Dr Maxamed Cabdilaahi Cumar oo aan Xirneyn Calanka Somaliland intii lagu gudo jiray Shirka iyo Safiirka Soomaaliya ee Kenya Maxamed Cali Ameriko iyo Masuuliyiintii wehelisay oo xiran Calanka Soomaaliya HOOSTA KA EEG
HALKAN HOOSENA KA EEG WASIIRKA OO SHIRKA DABADII XIRAN CALANKA TAWXIIDKU KU XARDHAN YAHAY EE SOMALILAND
Wasiirka Arrimaha Dibedda Somaliland “Dr” Maxamed Cabdilaahi Cumar Shacabka reer Somaliland iyo Halka ay ka taagan yihiin Qadiyada la soo noqoshada Madax banaanida ma waxa uu mooday mid ruux qudha uu siduu doono ka yeeli karo,mise in uu dadka ka garaad sareeyuu is mooday?,waa suaal ka soo yeedhay mid ka mida shakhsiyaadka ka qeyb galay shirka oo reer Somaliland ah.
SDN-Nairobi
contact@somalidiasporanews.com