Wasiirka Arimaha Dibada ee Itoobiya Behane Aya kulan la Qatay Wasiirka Arimaha Dibada Somaliland Maxamed Omaar
Adis AbabaOct 27/12 (SDN )Wasiirka cusub ee Arrimaha Dibadda ee Dawladda Itoobiya, Mudane Berhane Gebre-Kristos iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Somaliland, Mudane Maxamed Cabdillahi Cumar, ayaa maanta oo Jimca ah kulan rasmi ah ku qaatay xarunta Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Itoobiya. Kulankan oo ah kii ugu horeeyay ee si rasmi ah u dhex mara labada dawladood tan iyo intii uu talada dalkaasi la wareegay Raysal Wasaaaraha cusub Mudane Haile Mariam Desalegn, waxuu ahaa mid xaqiijiyay xidhiidhka wanaagsan ee ka dhexeeya labada dawladood.
Kulankan oo hore loo sii qorsheeyay waxaa lagu soo qaaday arrimo dhawr ah oo saldhig u noqon doona xidhiidhka mustaqbalka ee labada wadan. Waxaana ka mid ahaa arrimihii laga wadahadlay horumarinta xidhidhka labada dal oo dhinacaya badan taabanaya oo tallooyin cusubna laga soo jeediyay iyo arrimaha la xidhiidha siyaasadda iyo nabadgalyada mandaqadda bariga iyo geeska afrika. Ugu horayn waxay labada Wasiir caddeeyeen sida ay labada dalba diyaarka ugu yihiin sii horumarinta iyo adkaynta xidhiidhka labada geesood ka dhexeeye.
Iyadoo arrintaa laga ambaqaadayana, waxay isla qaateen wasiiradu in bishan soo socota ee November badhtankeeda ay guddiyo farsamo oo ka socda labada dal isugu yimaadaan magaalada Diri Dhaba si ay u soo diyaariyaan hindisayaal farsamo oo aasaas u noqon doona iskaashi iyo wadashaqayn qotto dheer oo ay labada waddan yeeshaan.
Iskaashiyada iyo heshiisyada ay guddiyada farsamadu soo diyaarin doonaan waxaa ka mid ah heshiis ganacasi oo fududayn doona ganacsi is waydaar ah oo dhex mara labada dal oo faaiido wadaag ah abuuri kara, heshiisyo la xidhiidha cashuuraha, nabadgalyada, isticmaalka dekeda Berbera. Waxaa kaloo laga wada hadlay qodob ku saabsan sidii ay Somaliland u isticmaali lahayd awoodda laydhka ee Itoobiya oo ay Itoobiya soo dhawaysay.
Talooyinka ay keenaan guddiyada farsamada ee ku saabsan arrimahan, waxay gogol dhig u noqon doonaan heshiis ballaadhan oo wax-wada qabsi ah oo ay labada dawladood wada gali doonaan oo hagi doona wadashaqaynta iyo iskaashiga labada geesood.
Marka ay heshiisyadan dhaqan galaanna waxaa la filyaa inay adkayn doonaan iskaashiga iyo xidhiidhka labada dal islamarkaan kobcin doonto dhaqaalaha labada dhinac. Kulanka labada Wasiir oo ahaa mid si wayn loo sugayay beryahanba, waxaa dhinaca Itoobiya goob jooga ka ahaa Agaasimaha Guud ee dhinaca Afrika ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Itoobiya, halka dhinaca Somaliland ay shir ka goob joog ka ahaayeen Safiirka iyo Safiir ku xigeenka Somaliland ee Itoobiya Adan Nuux Dhule iyo Ayaanle Salaad Diiriye.
Wasaaradda Arrimaha Dibeda iyo Iskaashiga Caalamiga