|

Wasiirka Amniga Somalia oo maanta hortay Golaha Shacabka,waxna laga weydiiyay Weerarkii lagu Qaaday Villa Somalia

27,Apr.2014(SDN/QJ Mudane C/kariin Xuseen Guuleed, Wasiirka Wasaarada Amniga Qaranka ee Soomaaliya, ayaa maanta waxa uu hortagey Xildhibaanada Baarlamaanka Federalka ee Soomaaliya.

Wasiirka oo maanta su’aalo badan la weydiiyay, ayaa su’aal ka mid ahayd su’aalihii ahayd waxa ay ahayd, in uu faah faahin ka bixiyo cidii geysatay weerarkii Madaxtoyada Somaliya iyo sida ay ugu suurta gashay.

Wasiirka, ayaa sheegay weli in uu soconaayo baaritaankaasi, isla-markaana uu dib ka soo sheegi  doono wixii natiijo ah ee ka soo baxda, kolka la soo gaba gabeeyo, sida uu sheegay wasiirku.

Wasiirka wuxuu ka cudur-daartay inuusan hadda diyaar u ahayn in jawaab intaas dhaafsan uu ka bixiyo, arrinta la xiriirta weerarkii 21-kii bishii Febraayo lagu qaaday Villa Somalia.

C/kariin Xuseen Guuleed, ayaa Isniinta berito ah la amray in uu markale horyimaado Baarlamaanka, si wax looga weydiiyo ilaa 26 su’aaladood, oo ay qabaan Xildhibaanada Baarlamaanka.

Isniinta, ayaa sidoo kale waxaa Baarlamaanka lagu wadaa in uu hortaggo Wasiirka Wasaarada Arrimaha Gudaha C/laahi Goodax Barre.

.

.SDN/QJ-Muqdisho

daacad@qurbejoog.com

contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed